XOG: Cristiano Ronaldo Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoorka Goolasha Caalamiga Ee Ali Daei & Xaqiiqooyinkii Loo Diiwaangeliyay Ka Dib Afartii Gool Uu Dhaliyay

Advertisements

Isagoo dhaliyay afar gool kulankii ay Portugal 5-1 kaga badisay xulka Lithuania, Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaanaya rikoorka goolasha caalamiga ah ee uu xiddigii hore ee xulka Iran Ali Daei kaasoo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee xul qaran oo gaaraya 109 gool.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolashiisii 90aad, 91aad, 92aad iyo 93aad ee heer caalami kulankii ay ka badiyeen Lithuania, isagoo rigoore ku bilowday qeybtii hore ka hor inta uusan seddex kale ku darin qeybtii labaad.

rikoorka goolasha caalamiga

William Carvalho ayaa goolasha soo xiray iyadoo guusha ay gaartay Portugal ay ka caawineyso inay group-kooda kaga sii jiraan kaalinta labaad iyagoo ka danbeeya Ukraine.

Waa markii 54aad waayihiisa ciyaareed ee uu Ronaldo hal kulan dhaliyo seddex gool ama ka badan, waana markii 8aad ee uu seddexleey u dhaliyo xulka qarankiisa Portugal.

Xiddigaha Heysta Rikoorka Goolasha Caalamiga Ah:

#MagacaWadankaGoolashaKulamada
1Ali Daeirikoorka goolasha caalamiga Iran109149
2Cristiano Ronaldorikoorka goolasha caalamiga Portugal93160
3Ferenc Puskásrikoorka goolasha caalamiga Hungary8493
4Kunishige Kamamotorikoorka goolasha caalamiga Japan8084
5Godfrey Chitalurikoorka goolasha caalamiga Zambia79111
6Hussein Saeedrikoorka goolasha caalamiga Iraq78137
7Pelérikoorka goolasha caalamiga Brazil7792
8Bashar Abdullahrikoorka goolasha caalamiga Kuwait75134
9Sunil Chhetririkoorka goolasha caalamiga India72112
10Kinnah Phiririkoorka goolasha caalamiga Malawi71115
Majed Abdullahrikoorka goolasha caalamiga Saudi Arabia71116
Kiatisuk Senamuangrikoorka goolasha caalamiga Thailand71134
Miroslav Kloserikoorka goolasha caalamiga Germany71137
RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Man United Oo Shaacisay Liiska Xiddigaha Ay Kala Hortageyso Wets Ham - Miyaa Lagu Soo Daray Daniel James, Paul Pogba Iyo Anthony Martial?

Goolashaan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo isreebreebka Euro 2020, waxaana uu rajeynayaa inuu wax ku sii darsado kulamada heerka caalami ee la ciyaarayo bisha soo socota isagoo 16 gool u jira rikoorka goolasha caalamiga ah ee Ali Daei.

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale jabiyay rikoorka goolasha kulamada isreebreebka Qaramada Yurub isagoo haatan dhaliyay 24 gool waxaana uu jabiyay rikoorkii Robbie Keane kaasoo isreebreebka Qaramada Yurub ka dhaliyay 23 gool.

Lithuania ayaa sidoo kale noqotay xulkii 40aad ee uu xiddiga reer Portugal shabaqa ka soo taabto.

rikoorka goolasha caalamiga

Comments are closed.