RIKOOR: Cristiano Ronaldo Oo Xalay Sameeyay Taariikh Hor Leh Kadib Goolkii Uu Ka Dhaliyay Luxembourg.

Advertisements

Weeraryahanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa taariikh kale sameeyay xalay kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 700-aad ee waayahiisa kubadda cagta kulan ay guul ka heleen xulka Luxembourg, kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada yurub 2020.

Ronaldo ayaa dhaliyay gool caaqibo leh, si fiican ayuu daafac uga xariiftamay ka hor inta uusan kubad joog sare ah ka dulqaadin goolhayaha, wuxuuna goolkaas noqday midkii 94-aad ee qarankiisa uu u dhaliyao, kaliya heerka qaran waxaa ka horreeya Ali Daei oo 109-gool u dhaliyay Iran.

“Wax shaki ah iigama jiro inuu jabin doono rikoorkeyga” ayuu Ali Daei u sheegay goor hore MARCA.

“Isagoo 34-jir ah ayuu yahay heer sare, aniga gabi ahaanba igama yaabin” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Wuxuu kaliya ka fakaraa guulaha, jabinta rikoorada iyo inuu mar walba wax badan sameeyo, waa mid aan caadi aheyn”

Ronaldo ayaa horay u dhaliyay 699-gool isagoo saftay 972 kulan, waxeyna ka dhigan tahay in 457 kulan oo ka mid ah uu ugu yaraan hal gool dhalinayay, 12 tartan kala duwan ayuu shabaqa kasoo taabtay, waxeyna taasi ka dhigan tahay in 112 daqiiqo walba uu shabaqa taabanayay waana 47% kulamada uu ciyaaray marka lagu jaangooyo.

Advertisements

5-gool ayuu u dhaliyay Sporting Lisbon isagoo u saftay 31-kulan, 118-gool ayuu u dhaliyay Man United isagoo u saftay 292 kulan, 451-gool ayuu u dhaliyay 438-kulan uu u saftay Real Madrid, halka uu 32-gool dhaliyay 51-kulan uu Juventus u ciyaaray.

Sweden, Latvia, Andorra iyo Armenia waa wadamada uu ugu jecel yahay, mid walba 5-jeer ayuu shabaqa ka taabtay, halka kooxaha uu ugu jecel yahay ay yahiin: Sevilla (27), Atletico Madrid (25), Getafe (23), Celta Vigo (20) iyo Barcelona (18).

One response to “RIKOOR: Cristiano Ronaldo Oo Xalay Sameeyay Taariikh Hor Leh Kadib Goolkii Uu Ka Dhaliyay Luxembourg.”

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*