Rikoodhka Xiddigaha Ugu Safashada Badan Kooxaha Yurub & Halka Uu Lionel Messi Ka Soo Galay

Lionel Messi ayaa jabiyay rikoodhkii Xavi Hernandez isagoo noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda Barcelona isagoo ciyaaray kulankiisii 768aad.

Advertisements

Waxay taasi ka dhigtay inuu rikoodhka safashada Barcelona kala wareego halyeeyga khadka dhexe Xavi Hernandes oo 767 kulan u saftay Barcelona.

Laakiin Messi halkee ayuu soo galayaa xiddigaha kale ee heysta rikoodh-yada safashada ee kooxaha Yurub.

Xiddiga reer Argentina wuxuu kaalinta afaraad ka soo galayaa rikoodhka xiddigaha ugu safashada badan kooxaha Yurub iyadoo ay ka horeeyaan seddex halyeey oo caan ka ahaa horyaalka Tayaaniga.

Advertisements

Rikoodhka xiddiga ugu safashada badan kooxaha Yurub waxaa heystay halyeeyga AC Milan Paolo Maldini kaasoo kooxda Rossoneri u saftay 902 kulan ma jiro xiddig kale oo u soo dheelay kooxaha waa weyn ee Yurub oo ciyaaray tiro ku soo dhow Maldini.

Xiddiga ku soo xiga waa halyeeyga Inter Milan Javier Zanetti oo saftay 858 kulan iyadoo kaalinta seddexaad uu ku jiro halyeeyga AS Roma Francesco Totti oo u saftay kooxda caasimada Talyaaniga ka dhisan 786 kulan.

Messi wuxuu ka sareeyaa halyeeyga Real Madrid Raul kaasoo heysta rikoodhka safashada Los Blancos isagoo saftay 741 kulan. Halka Alessandro Del Piero oo heysta rikoodhka safashada Juventus uu ciyaaray 705 kulan.

πŸ‘•9⃣0⃣2⃣ AC Milan: Paolo Maldini

πŸ‘•8⃣5⃣8⃣ Inter: Javier Zanetti

πŸ‘•7⃣8⃣6⃣ Roma: Francesco Totti

πŸ‘•7⃣6⃣8⃣ Barcelona: Leo Messi

πŸ‘•7⃣4⃣1⃣ Real Madrid: RaΓΊl GonzΓ‘lez

πŸ‘•7⃣0⃣5⃣ Juventus: Alessandro Del Piero

Advertisements

5 Fekradood

  1. Buffon aaway asigaa ah kan ugu safashada badan ku laabta xogtaan Laacib.net mahadsanidiin

  2. Buffon ayaa ah Laacibka ugu safashada badan Maldini asiga ka horeeye maxaa idinka qaldan Lacib.net ku laabta xogtaan

  3. Waa runtaa Buffon ayaa ka safasho badan Maldini laakiin warbixintaan waa rikoodhka safashada ee hal koox. Buffon wuxuu u soo dheelay Parma oo uu 250 kulan u soo saftay iyo PSG uu 25 kulan u dheelay. Maldini wuxuu heystaa rikoodhka safashada hal koox loo safto Yurub oo dhan.

  4. Ryan Giggs holds the all-time record for most appearances for Manchester United, playing in 963 games for the club between 1991 and 2014

    DADKA HA WAALIN WAX AADAN AQOON DADKA HA USHEGIN

  5. Saasaa dadka wax ugu sheegee Mise dadka talyaaniga ku qafiifay ayaad tahay intaadan wax soo dhihin Ka fiirso Giggs waxaa laga yaabaa safashadaan 963 inay international ugu jirto laakiin haday ku jirto xataa 60 games iyo wax noocaas ah ayuu qaranka u dheelay Marka waxkala hubso ee
    Maahmaahdan xagay kaa martay
    LOOK BEFORE YOU DO

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*