RIKOODH: Thomas Tuchel Oo Rikoodh Aan Abid La Arag U Dhigay Horyaalka Premier League

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa rikoodh cusub ka dhigay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib guushii ay kooxdiisu xalay ka gaadhay Everton.

Advertisements

Blues ayaa gaadhay guusheedii siddeedaad 11 ciyaarood oo uu Thomas Tuchel tababare u ahaa, waxaanay sii wadataa rikoodhka guul-darro la’aanta iyagoon hal mar dhinacooda la dhigin tan iyo markii uu tababaraha reer Germany yimid.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka Premier League waxaanay laba dhibcood ka horreysaa West Ham United oo kusoo xigta laakiin hal ciyaar baaqi u tahay, waxaana mahadda halkan ay soo gaadhay ay Chelsea uga mahad celinaysaa tababare Tuchel oo u yimid iyagoo kaalinta sagaalaad ku jira shan usbuuc ka hor markii uu xilka la wareegayay.

Kai Havertz ayaa ahaa xiddiga kulankii Everton ay ku garaaceen 2-0, waxaanu ku lug yeeshay labada gool ee ay kooxdiisu dhalisay. Midka hore ayaa uu ku toogtay goolhaye Pickford, laakiin waxa isku sii leexiyey Ben Godfrey oo loo qoray inuu iska dhaliiyey, halka goolka labaadna uu ahaa rikoodhe lagu galay Havertz oo uu shabaqa ku hubsaday Jorginho.

Advertisements

Guushan ayaa noqotay rikoodh ku cusub horyaalka Premier League, waxaana si gaar ah rikoodhkan u leh tababare Thomas Tuchel oo kooxda ka dhigay mid aan la loodin karaynin.

Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii ugu horreeyey taariikhda Premier League ee shantii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka Premier League ee uu garoonkiisa ku ciyaaro aan wax goolal ah laga dhalinin, waxaanu sidaas Tuchel ku galay taariikhda Premier League.

Chelsea ayaan wax guul-darro kala kulmin Everton 26kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbisho, waxaana kaliya rikoodhkaas oo kale ay ka haysata Tottenham Hotspur oo aan garoonkan ku badinin sannadihii u dhexeeyey 1990kii illaa 2016kii, waana rikoodhka ugu badan ee horyaalka yaalla ee laba kooxood oo Premier League si joogto ah uga wada ciyaara aanay midi garoonka kale muddo intaas le’eg ku badinin.

Blues ayaa Sabtida la ciyaari doonta Leeds United ka hor inta aanay isku diyaaarinin Atletico Madrid oo lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions ay Arbacada usbuuca dambe la ciyaari doono.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*