RIKOODH: Muxuu Yahay Rikoodhka Ay Adag Tahay In Qof Kale Gaadho Ee Cristiano Ronaldo Uu Jabinayo Sannadkan?

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kusii siqaya in uu dhigo rikoodh dhinaca goolasha ah oo aanu jirin ciyaartoy kale oo uga horreeyey dunida cagta.

Advertisements

Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay ciyaartii xulka qarankiisu ku garaacay Luxembourg, waxaanu goolkiisaasi ahaa midkii 31aad ee uu ka dhaliyo kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.

36 jirkan oo hore u jabiyey rikoodhka goolasha ee Pele, ayaa waxa uu haddana kusii dhowaanayaa in uu noqdo ciyaartoygii abid ugu gool-dhalinta badnaa kulamada caalamiga ah, taas oo uu ku xaqiijisan karayo kulamada soo socda ee jidka loo marayo Koobka Adduunka.

Sannadkii 2004 ayuu goolkiisii ugu horreeyey u dhaliyey xulka qaranka Portugal, laakiin intii ka dambaysay ayuu ahaa mid shabaqa la saaxiib ah, isagoo saxeexay 103 gool, waxaana uu kaliya lix gool u jiraa in uu noqdo ciyaartoyga ugu goolasha badan ciyaaraha caalamiga ah.

Advertisements

Ciyaartoyga ugu goolasha badan xulalka ayaa ahaa xiddigii reer Iran ee Ali Daei oo hore u ahaa laacibka kaliya ee dhaafay tiro 100 gool oo ciyaaraha xulalka qaramada ah, waxaanu hawl-gab noqday iyadoo uu haysto rikoodhka dhaliyihii ugu goolasha badnaa qaramada.

Ali Daei ayaa dhaliyey 109 gool intii uu garoomada ku jiray, waxaase kusii dhowaanaya Cristiano Ronaldo oo shabaqa taabsiiyey 103 gool, isla markaana lix gool oo kaliya u jira Daei.

Kulankii uu xalay guusha kasoo hooyey xulka qaranka Portugal, waxa Cristiano Ronaldo uu goolkiisa dhaliyey bilowga qaybta labaad, waxaase ka horreeyey oo gool lagala hormaray barbarreeyey weeraryahanka Liverpool ee Diogo Jota oo ciyaartii horena shabaqa taabtay.

Joao Palhinha ayaa si dhab ah guusha ugu xaqiijiyey Portugal oo ka saaray walwalkii ay ka qabeen in laga daba yimaaddo, waxaanu gool saddexaad u dhaliyey ciyaarta oo toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadkeeda.

Si kastaba, Cristiano Ronaldo ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta caalamiga ah, waxaanu kaliya u baahan yahay in uu dhaliyo lix gool oo uu kula sinmo Ali Daei iyo mid kale oo uu sii dhaafo.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*