RIKOODH: LeBron James Oo Jabiyey Rikoodhkii Dhibcaha Ee Kobe Bryant Iyo Labada Halyey Ee Kaliya Ee Uu U Baahan Yahay Inuu Dhaafo

Advertisements

Xiddiga kubadda kolayga NBA-da Maraykanka ee LeBron James ayaa subaxnimadii hore ee saaka jabiyey rikoodh taariikhi ah oo u yaallay horyaalka dalkaas, kaddib markii ay kooxdiisu Los Angeles Lakers booqatay Philadelphia 76ers, halkaas oo ay kala soo laabatay guul-darro 108-91 ah.

LeBron James ayaa dhaafay rikoodhkii dhibcaha ee Kobe Bryant, waxaanu noqday laacibkii saddexaad ee dhibcaha ugu badan ka dhaliyey NBA-da taariikhda intii la ciyaarayay, waxaanu fursad u haystaa inuu dhaafo labada xiddig ee ka horreeyey.

Ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii 76ers iyo Lakers, LeBron James waxa uu sii ogaa in kaliya uu u baahan yahay inuu dhaliyo 18 dhibcood oo ahaa farqiga u dhexeeyey Kobe, hase yeeshee waqti badan kumay qaadannin inuu soo laabto baalkii uu halyeygaas hore ku lahaa diiwaanka taariikhda NBA-da oo uu isagu isku qoro.

Advertisements

James ayaa soo galay kaalinta saddexaad isagoo soo dhaafay Kobe Bryant, waxaana uu dhaliyey 33,643 dhibcood intii uu ciyaaraha NBA ku jiray.

Kaliya labada halyey ee Kareem Abdul-jabbar oo 38,387 dhibcood dhaliyey iyo Karl Malone 36,928 dhibcood saxeexay ayaa ka horreeya, waxaanay yihiin labada laacib ee dhibcaha ugu badan abid soo dhaliyey.

Comments are closed.