Rikoodh Dad Badan Ka Yaabiyay Oo Xalay Laga Jabiyay Barcelona

Advertisements

Barcelona ayaa xaqiijisatay booskeeda finalka Supercopa de Espana xalay ka dib markii ay rigoore uga badiyeen kooxda Real Sociedad.

Kubadsameeyaha tayada leh Rique Puig ayaa dhaliyay rigooradii guusha  ee kooxda Catalans, iyadoo Barcelona ay finalka ku sugeyso kooxdii caawa soo baxda Real Madrid iyo Athletic Bilbao.

Natiijada ma aheyn mid ka yaabisay dad badan laakiin xaqiiqda ah inay xalay aheyd markii ugu horeysay ee ay Barcelona rigoore ka qeyb qaadato tan iyo 1998dii ayaa ka yaabisay dad badan.

Haddii aan si kale u dhigno, da’ yarka Barcelona Rique Puig oo 21 sanno jir ah xitaa ma uusan dhalinin markii ugu danbeysay ee ay Barcelona ciyaar la gaarto rigoore, markii ugu danbeysay ee ay ciyaar la gaarto rigoore waxay aheyd kulan ay ka badiyeen Real Mallorca oo ka tirsanaa Copa del Rey sannadkii 1998dii.

Waxaa cajiib ah in koox weyn aysan rigoore ciyaarin muddo 23 sannadood oo xiriir ah, laakiin waxaa xalay rikoodhkaas jabisay Real Sociedad oo Barcelona barbaro 1-1 ku qabatay.

Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 39aad ka dib gool uu dhaliyay Frenkie de Jong.

Sociedad ayaa ciyaarta ku soo laabatay markii Mikel Oyarzabal uu rigoore ku barbareeyay ka dib markii uu De Jong kubad gacanta ku taabtay isagoo xerada ganaaxa ku jiro.

90kii daqiiqo waxay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah iyadoo rigoore la isla aaday, waxaana geesiga ciyaarta noqday goolhaye Marc ter-Stegen oo badbaadiyay rigoorooyin dhowr ah halka Puig uu dhaliyay rigooradii guusha.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*