REKOODH: Liverpool Oo Kulankii Xalay Ee Aston Villa Ku Bar-Baraysay Rekoodh U Gaar Ahaa Manchester City & Chelsea.

Advertisements

Liverpool ayaa xalay guul xilli dambe ah oo muhiim ah kasoo gaadhay kooxda dhawaan soo dalacday ee Aston Villa, Kooxda martida loo ahaa ayaa hoggaanka kulanka haysatay ilaa daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta.

Goolka bar-bardhaca oo ka yimid Andrew Robertson ayuu wakhtigii dheeriga ahaa goolka guusha raacsaday Sadio Mane oo xiddiga garoonka noqday markalena saddex dhibcood oo muhiim ah u keenay Reds.

Image

Saddexda dhibcood ee kulankaas ayaa ah mid ay Liverpool kusii haysatay hoggaanka lixda dhibcood ah ee ay Manchester City ka sarreysay waxaana ay labada kooxood Axada soo socota toos iskugu arki doonaan Anfield iyaga oo farqigaasi u dhaxeeyo.

Marka laga yimaado muhiimada guushaasi ay u lahayd Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa, Sidoo kale waxa ay ku bar-bareeyeen rekoodh gaar u ahaa kooxaha Man City iyo Chelsea.

Advertisements

Rekoodhkaas ayaa ahaa midka dhibacaha ugu badan ee laga helo 11-ka kulan ee ugu horreeya oo ah 31 dhibcood taas oo la micno ah inay kaliya laba dhibcood soo lumiyeen 11-ka kulan ee ay horyaalka kasoo ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Chelsea oo ah kooxdii ugu horreysay ee horyaalka sidaas ka samaysay ayaa gaadhay wakhtigii Jose Mourinho ee xilli ciyaareedkii 2005-06 halka Manchester City ay laba jeer gaadhay oo kala ahaa xilli ciyaareedyadii 2011-12 iyo 2017-18.

Comments are closed.