REKOODH: Cristiano Ronaldo Oo Isha Ku Haya Rekoodh In Badan Lagu Xasuusan Doono Haddii Uu Caawa Gaadho & Waxa Uu U Baahan Yahay Si Uu U Gaadho.

Advertisements

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda mid aan joojin doonin jabinta rekoodhada waaweyn xilli uu rekoodh khaas ah isha ku hayo kulanka uu caawa xulkiisu la yeelanayo dhigiisa Luxembourg.

Ronaldo ayaa caawa doonaya inuu gaadho rekoodhka ah dhalinta goolkiisii 700-aad ee waayihiisa ciyaareed waxaana ka xigan haatan laba gool maadaama oo uu waayihiisa ciyaareed ee cajiibka ah 698 gool soo dhaliyay.

“Anigu kama fikiro abaalmarinaha shaqsiga ah” Ayuu ahaa hadalkii laga qabtay CR7 kulankii ugu dambeeyay ee uu xulkiisa matalay xilli ay haatan shan dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyayasha Group-kooda ee tartanka isreeb-reebka Euro 2020 ee Ukraine walow ay kulan baaqi ah haystaan.

34 sano jirkan ayaa 152 dhinac oo kala duwan goolal kasoo dhaliyay koox iyo qaranba waxaana aan arrin layaab leh ahayn inuu yahay gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Portugal oo uu 93 gool ugu soo dhaliyay 160 kulan.

Advertisements

Dhinaca kale rekoodh taariikhi ah oo uu isha la raacayo Ronaldo ayaa ah inuu noqdo gool dhaliyaha ugu sarreeya abid qaramada dunida kubadda cagta waxaana haatan haysta Ali Daei oo 109 gool usoo dhaliyay xulka Iran.

“Wax shaki ah kama qabo inuu rekoodhkayga dhaafi doono” Ayuu yidhi Ali Daei qudhiisa oo wargeyska MARCA u sheegay in Ronaldo uu rekoodhkiisaas weyn soo gaadhi doono.