Real, PSG & Barca Oo Ku Dagaallamaya Aguero, City Oo Xiddig Kale Ka Tegayo, Salah Oo Ka Nixiyey Liverpool Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka

Tababaraha PSG ee Mauricio Pochettino iyo agaasimaha ciyaaraha ee Leonardo ayaa si dhow uga shaqaynaya in heshiis ay la gaadhaan weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo xalay shaaciyey in uu ka tegayo Man City. (Todo Fichajes)

Advertisements

Barcelona ayaa dhinaceeda ku dadaalaysa in ay lasoo saxeexato weeraryahanka afarta Premier League ku guuleystay ee Aguero. Sidoo kale, Real Madrid iyo Juventus ayaa danaynaya. (MEN)

Man City ayaa xagaaga luminaysa xiddig kale oo muhiim u ahaa, waana khabiirka reer Brazil ee Fernandinho oo 35 jir ah, kaas oo la sheegay in uu ka tegayo Etihad Stadium marka uu dhamaado qandaraaskiisu saddex bilood kaddib. (Athletic)

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo 28 jir ah ayaa tibaaxay in ay suurtogal tahay in uu ka tago Anfield oo uu mustaqbalka u dhawaaqo Spain. (Marca)

Advertisements

Manchester United, Liverpool iyo Tottenham ayaa ku dagaallamaya 17 jirka khadka dhexe ee reer Austria ee Marcel Sabitzer oo u ciyaara RB Leipzig. (Bild)

Everton waxay diyaar u tahay in ay dhegaysato haddii dalabyo laga soo gudbiyo difaaca reer Colombia ee Yerry Mina oo 26 jir ah, waxaana qorshuhu yahay in lacagta ay ka hesho ay qayb ka noqoto dhaqaalaha ay ku doonayso Kalidou Koulibaly. (Football Insider)

Manchester City wax xiiso ah uma qabto saxeexa difaaca Bayern Munich ee David Alaba, inkasta oo si joogto ah loola xidhiidhinayo Etihad Stadium 28 jirkan oo heshiiskiisu ku eg yahay bisha June. (MEN)

Chelsea iyo PSG ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu cadcad ee ay suurtogalka tahay in uu ka tego Alaba, inkasta oo uu wakiilkiisa Pni Zahavi hoos u dhigay wararkaas, halka Real Madrid iyo Barcelona ay iyaguna ku jiraan dagaalka saxeexa laacibkan. (Diario).

Barcelona waxay heshiis saddex sannadood iyo badh ah u bandhigtay laacibka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum oo ah 30 jir uu heshiiskiisa Liverpool ku eg yahay xagaaga. (Mundo Deportivo)

Goolhayaha Juventus ee Gianluigi Buffon oo 43 jir ah, ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago kooxdaas oo uu mar kale kasoo ciyaaro waddanka dibaddiisa ka hor inta aanu ciyaaraha ka fadhiisanin. (Gazzetta dello Sport)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*