Real Mise Barcelona? Xiddig Xalay Guuldarro Baday Atletico Madrid Oo Sheegay Kooxda Uu La Doonayo Hanashada Horyaalka La Liga

Goolhayaha kooxda Levante ee Dani Cardenas oo kamid ahaa ciyaaryahanadii muhiimka u ahaa guushii ay xalay kooxdiisu ka gaadhay Atletico Madrid ayaa caddeeyay kooxda uu la doonayo hanashada horyaalka La Liga.

Advertisements

Cardenas ayaa soo sameeyay bandhig geesinimo leh kulankii xalay isaga oo kasoo caawiyay Levante inay 2-0 ku jiidho Atletico oo Wanda Metropolitano joogta.

Kaddib kulankaas ayuu il-wareedka COPE weydiiyay shabaq ilaaliyahaas kooxda uu La Liga la rabo waxaana uu doortay Real Madrid oo uu ku sheegay kooxdiisii carruurnimo iyo mida qoyskiisu taageeraan.

Dani Cardenas oo su’aashaas la weydiiyay ayaa yidhi “Waa su’aal adag, tan iyo carruurnimadaydii waxaan doonayay inay noqoto (kooxda horyaalka qaadaysaa) Madrid, qoyskaygu dhammaan waa Los Blancos”

Dani ayaa ahaa mid cajiib ah kulankii shalay waxaana uu sameeyay 10 badbaadino oo ah rekoodhka ugu badan ee uu La Liga ka sameeyay hal kulan xilli ciyaareedkan goolhaye shabaqiisa ilaashaday.

Real Madrid ayaa xalay guul dirqi ah oo 1-0 ah ka gaadhay Real Valladolid taas oo ka dhigan inay kaliya 3 dhibcood ka dambeeyaan Atletico oo ay kulan dheer yihiin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*