“Real Madrid Way I Sugi Doontaa” – Madaxweynaha Monaco Oo Shaaca Ka Qaaday Sirtii Ugu Cuslayd & Waraysi Uu La Yeeshay Mbappe Kahor Iibkiisii PSG Oo Uu Dunida Ku Gil-Gilay.

Advertisements

Madaxweynaha kooxda AS Monaco ee Vadim Vasilyev ayaa shaaca ka qaaday waraysi xasaasi ah oo uu la yeeshay da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe kahor intii uusan kooxdaas ka iibin sanadkii 2017.

Mbappe ayaa markii hore qaab amaah ah ugu wareegay PSG kahor intii aysan mar dambe kula wareegin lacag 145 Milyan ah oo lagu daray 45 Milyan oo gunooyin ku xidhnaan doona.

Image result for Vadim Vasilyev"

Kahor inta uusan 20 sano jirkani wakhtigaas u wareegi Paris, Real Madrid ayaa xiiso u muujinaysay iyaga oo wakhtigaas u arkayay bedelka mudada dheer ee Cristiano Ronaldo balse da’yarkan ayaa go’aan kale gaadhay.

Sida uu shaaca ka qaaday madaxweyne Vadim Vasilyev, Mbappe ayaa doonayay inuusan dalkiisa France ka tagin kaddib kaliya hal xilli ciyaareed oo uu wacdarro dhigay balse uu doonayo inuu isku muujiyo PSG maadaama oo uu yahay shaqsi magaalada Paris kasoo jeeda.

Dhinaca kale Vasilyev ayuu kasoo yeedhay hadal ay si weyn ugu diirsanayaan jamaahiirta Real Madrid kaddib markii uu shaaca ka qaaday inuu Mbappe u sheegay in Real Madrid ay isaga mudo sugi doonto.

Vadim Vasilyev ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxa uu igu yidhi (Mbappe) Vadim, Aniga gudahayga waxaan dareemayaa inay wali xilli aad u horreeya tahay”.

Advertisements

“Kaliya hal sano ayaan dalkayga kasoo ciyaaray, Waxaan ahay Parisian (Shaqsi kasoo jeeda Paris) ma doonayo inaan wadankayga sidaas kaga tago”.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaartoy weyn ku noqdo halkan (France), Real Madrid way i sugi doontaa, Taasi waa midaas aan ku fikirayo”.

Comments are closed.