“Real Madrid Waxay Khibrad U Leedahay Kulamada Waaweyn” – Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Digniin U Diray Man City

Advertisements

Manchester City iyo Real Madrid ayaa Jimcaha isku haleeli doona lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka Champions League, waxaana ciyaartii hore ee Santiago Bernabeu 2-1 kusoo badisay Manchester City oo marti ahayd, hase yeeshee, Los Blancos waxay ku kalsoon tahay inay guul ka keeni doonto kulankan oo ay usoo gudbi doonto wareegga siddeeda.

Difaaca Real Madrid ee Raphael Varane oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ay haysato khibrad ay ku ciyaarto kyulamada waaweyn, sidaas darteedna ay kalsooni ku qabaan inay u gudbi doonaan wareegga siddeedda, ayna Etihad kaga adkaan doonaan Man City.

“Khibrad badan ayaanu u leenahay kulamadan waaweyn, markaa si fudu ayaanu u nasan karnaa.” Ayuu yidhi Varane, waxaanu intaa ku daray: “Sidii hore waanu ka fiicanahay, guushuna mar walba waa hamigayaga iyo dheecaanka kooxdan.”

Advertisements

Varane waxa uu sharraxay qaabka ay kooxdiisu kusoo gasho kulamada waaweyn ee Champions League, waxaanu yidhi: “Mar walba waxaanu kulanka noocan ah nimaadnaa anaga oo guusha u gaajaysan. Waanu isku diyaarin doonaa sidii aanu wax walba oo karaankayaga ah u samayn lahay sidii aanu mar walba samayn jirnay kulamada tartankan.”

Laacibkani waxa uu amaanay Zinedine Zidane oo uu sheegay inuu saamayn weyn iyo wax cusub kusoo kordhiyey Estadio Santiago Bernabeu markii uu dib ugu soo laabtay, waxaanu yidhi: “Zidane wuxuu nagu tallaalay kalsooni iyo degganaan.”

Shaqsiyan, waxa uu Varane qirtay in Zidane uu wax weyn xirfaddiisa ka beddelay, waxaanu yidhi: “Waa muhiim sababtoo ah, aniga wuu i taageeraa, talooyinna wuu isiiyaa. Wuxuu igu riixaa inaan khataraha u badheedho oo aan si sare u ciyaaro, si aan uga caawiyo kooxda inay qaab weerar ah lahaato.”

Ugu dambayntii waxa uu Raphael Varane amaanay Karim Benzema, waxaanu yidhi: “Wuxuu ku jiraa qaab wanaagsan, aniguna lama yaabbani, sababtoo ah, qof walba wuu ogyahay tayadiisa.

“Kalsooni badan ayaa ku jirta, waxaanu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan. Anaga waa hoggaamiyahayaga afka hore, waxaanu na siiyaa wax aad uga badan kaliya gool dhalinta. Wuxuu koobsaday kalsooni, tayo iyo awood jidheed. Waa ciyaartoy dhamaystiran oo No.9 ah.”

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Badhaacis looma baahnee waa inoo garoonka varane , khib rad Santiago barnabeu bay waxkuugu qaban lahayde .😛

  2. Real guul raaxo leh ayey lasoo laabanaysaa city in ay halkan soo gaadho oo real la ciyaarto ayaa ku filan

  3. aad iyo aad kalsoonidu waa qeeb kamid ah furaha guusha
    Realmadrid waalagu yaqaanaa guulaha tartamada waa ween
    waxaana ka filaynaa inay inay kasoo gudbaan man city
    kamana yeelayno city inay home iyo away naga qaataan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*