Real Madrid Oo Weerar Ku Ah Chelsea & Ciyaartoyga Muhiimada Weyn Ka Leh Stamford Bridge Ee Ay Isha Ku Hayaan Oo La Ogaaday.

Advertisements

Kaddib dhaawacii dhinaca suuqa ahaa ee ay xagaagan u geysatay isla markaana ay kala wareegtay ciyaartoygeedii ugu fiicnaa ee Eden Hazard, Real Madrid ayaa la filayaa inay markale weerar kusoo qaado dhigeeda Chelsea.

Madrid ayaa haatan doonaysa N’Golo Kante oo ah xiddiga xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay muhiimad khaas ah kasoo lahaa Blues ahna isku xidhaha daafaca iyo weerarka kooxdaas.

Dabcan Real Madrid waxay xagaagan bar-tilmaameedsanaysay xiddigo kale oo khad dhexe ah sida Paul Pogba oo uu tababare Zinadine Zidane si aad ah u doonayay walow uu ugu dambayn heshiiskaasi fashil noqday.

Xagaaga dambe ayaa la filayaa inay noqon doonto marka ay Manchester diyaarka u tahay iibka Pogba maadaama wakhtigaas uu kaliya hal sano ka hadhsan yahay qandaraaskiisa kooxda ee haatan balse wakhtigaasna lama hubo haddii Madrid ay xiiso u muujin doonto.

Advertisements

Haddaba, Haatan wargeyska ‘The Athletic’ ayaa sheegaya in Real Madrid ay diyaar u tahay u dhaqaaqista saxeexa Kante suuqa xagaaga dambe ee 2020 iyagoo wakhtigaas markale isku dayi doona inay dib u dhisaan khadkooda dhexe.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Oxlade-Chamberlain Oo Ku Soo Biiray Dooda Ku Saabsan In Mohamed Salah Uu Kubada Baasin & Fariin Uu U Diray Xiddiga Reer Masar

Khadka dhexe ee haatan ee Los Blancos ayaa loo arkaa mid dib u cusboonaysiin u baahan sababtoo ah in saddexleyda haatan ee Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric ay in mudo ah soo wada shaqaynayeen.

Comments are closed.