Real Madrid Oo War Naxdin Leh La Kulantay Maanta Ka Dib Codsi Uu U Gudbiyay Raphael Varane & Man United Oo Dhegta Ay U Taagan Tahay

Real Madrid ayaa heshay war naxdin leh maanta iyadoo daafaca Raphael Varane uu kooxda weysiistay in la iibiyo xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Advertisements

Waxaa sidaasi qortay jariirada Madrid ka soo baxda ee AS taasoo sheegeysa in daafaca dhexe uu u gudbiyay kooxda codsigiisa ah in la iibiso xagaagan isagoo doonaya inuu isaga dhaqaaqo Bernabeu.

Warbixinta wargeyska ayaa intaas ku dareysa in Varane uu sidoo kale codsaday inuu baxo xagaagii 2019, wuxuuna doonayaa tartan cusub laakiin haatan isaga ayaa gacanta sarre heysta madaama uu qandaraaskiisa dhacayo xagaaga 2022.

Haddii Real Madrid ay ku qasabto inuu kooxda sii joogo xilli ciyaareedka danbe, waxay halis gelinayaan inuu si xor ah uga tago xagaaga ku xiga.

Advertisements

Xiddiga Faransiiska ayaa lala xiriirinayaa kooxda Manchester United iyadoo wargeyska Manchester Evening News uu hoosta ka xariiqay in Varane uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Shayaadiinta Cas Cas.

Varane ayaa la sheegay inuu ka walaacsan yahay in mushaharkiisa uu aad uga yar yahay lacagta ay helaan xiddigaha kale ee kooxda Real Madrid, kumana filna xitaa in loo balanqaado inuu mustaqbalka kabtan u noqon doono kooxda heysata horyaalka Spain.

Bishii la soo dhaafay jariirada Marca ayaa sheegtay in Varane uusan dooneynin inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo Real Madrid.

Varane ayaa 352 kulan u saftay Real Madrid isagoo u dhaliyay 17 gool tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda Lens sannadkii 2011, wuxuu kooxda kula guuleystay 18 koob oo ay ku jirto seddex horyaalka La Liga ah iyo afar Champions League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*