Real Madrid Oo Qaadatay Go’aan Cusub Ka Qaadatay Sadio Mane Iyo Mbappe – Midkee Ayay U Dhaqaaqaysaa?

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan cusub ka qaadatay labada ciyaartoy ee sida weyn loola xidhiidhinayo ee Kylian Mbappe iyo Sadio Mane, kuwaas oo Zinedine Zidane uu qorshaystay in mid ka mid ah uu xili ciyaareedka dambe ku sugnaado Santiago Baernabeu.

Kylian Mbappe oo heshiiska uu kula jiro PSG ay ka hadhsan yihiin laba sannadood ayaa la sheegay in Los Blancos ay go’aan rasmi ah ka qaadatay haddii ay xagaagan dalab ka gudbinayso iyo haddii ay sugi doonto inta ay wax isbeddelayaan ee qiimihiisa wareerka ah hoos u dhac ku imanayo.

Real Madrid oo aan wali helin beddelka Cristiano Ronaldo oo labada xili ciyaareed ee uu kasii maqan yahay ay la’ yihiin cid goolal ugu dhalisa sidiisii oo kale, ayaa waxay Mbappe u arkayeen inuu si fiican booskaas u buuxin doono, sidoo kalena muddo ka badan 10 sannadood uu hoggaamiyaha kooxda sii ahaan karayo.

Laacibka labaad ee mararka badan lagu xidhiidhiyey Real Madrid ee Sadio Mane ayaa isagana ay kooxda reer Spain go’aan cusub ka qaadatay, waxaana uu kasoo hormari doonaa Kylian Mbappe sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa Spain.

Wargeysku waxa uu sheegay in Kylian Mbappe aanay Real Madrid xagaagan u dhaqaaqi doonin, laakiin uu go’aanku yahay in Sadio Mane ay ka dalbadaan Liverpool, xagaaganna ay ka shaqeeyaan sidii uu usoo gaadhi lahaa ee bilowga xili ciyaareedka dambe uu u xidhan lahaa funaanadda cad.

AS oo soo xiganayay wargeyska kale ee Faransiiska ah ee Le 10 Sport, waxa uu tilmaamay in tababaraha Real Madrid ee Zidane uu u sheegay madaxda kooxda in heshiiska Mane uu ka dhow yahay Mbappe, sidaas darteedna ay hadda u jeedsadaan laacibka reer Senegal oo xili ciyaareedkan 14 gool u dhaliyey Liverpool, sidoo kaena caawiyey toddoba gool oo kale, 26 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah.

Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in Mbappe ay xagaaga dambe sugi doonaan markaas oo PSG ay ku qasbnaan doonto inay iibiso amaba ay khatar ku geli doonto in badhtamaha sannadka 2022 uu si xor ah uga baxo marka uu heshiiskiisu dhamaado, haddii aanay inta ka horreysa ku qancinin inuu qandaraas cusub saxeexo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*