Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Goolhayaha Real Betis Oo Wacdarro Dhigay Halka Los Blancos Ay Iska Qasaarisay Fursad Ay Kula Wareegi Laheyd Hogaanka La Liga

Advertisements

Real Madrid ayaa iska qasaarisay fursad ay kula wareegi laheyd hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah kala kulmeen kooxda Real Betis oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu.

Inkastoo aan gool la iska dhalinin qeybtii hore ee ciyaarta hadana ciyaarta ayaa aheyd mid madadaalo fiican leh oo fursado la iska helay, iyadoo Eden Hazard uu kubad qurux badan shabaqa dhex dhigay bilowgii ciyaarta laakiin markii waqti dheer VAR lagu eegay waa la diiday goolka madaama uu offside ahaa.

Benzema iyo Toni Kroos ayaa iyagana u dhawaaday inay shabaqa soo taabtaan qeybtii hore halka Nabil Fekir uu ahaa xiddiga ka dhex muuqday kooxda Real Betis.

Dhamaadkii qeybta hore goolhayaha Real Betis Robles ayaa fursad gool loo fishay ka beeniyay Sergio Ramos halka Thibaut Courtois uu isna fursad ka badbaadiyay Moron.

Daqiiqadii 61aad Rodrygo ayaa u dhawaaday inuu shabaqa u soo taabtay Real Madrid, waxa uu koontaroolay baas uu ka helay Hazard, ka dib waxa uu u dhaqaaqay dhanka goolka laakiin darbadiisa waxa ay hareermartay.

Daafaca bidix ee Real Madrid Ferland Mendy ayaa helay fursad gool loo fishay isaga iyo goolhaye Robles ayaa isku soo haray laakiin darbadiisa waxa ay ku dhacday geeska shabaqa.

Real Madrid ayaa rigoore ku dacwootay daqiiqadii 81aad markii karoos uu soo dhigay Benzema uu daafaca Real Betis gacanta ku taabtay laakiin ma aheyn ku talogal madaama uu dhulka ku sii dhacayay iyadoo garsooraha iyo VAR ay go’aansadeen inaysan rigoore aheyn.

Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro goolal la;aan ah iyadoo Real Madrid ay iska qasaarisay fursad ay hogaanka La Liga kula wareegi laheyd ka dib guuldaradii Barcelona ka soo gaartay Levante.

Advertisements

Dhamaadkii ciyaarta goolhaye Real Betis ayaa fursad gool loo fishay si cajiib ah uga badbaadiyay Vinicius Jr. Halka uu mar kale uu fursad kale ka beeniyay Vinicius Jr. iyo Dani Carvajal.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku dhibco ah haatan iyagoo wada leh 22 dhibcood laakiin Catalans ayaa farqiga goolasha ugu jirta kaalinta koowaad ee horyaalka.

Comments are closed.