Real Madrid Oo Guul-darro Xanuun Badan Kala Kulantay Kooxda Yar Ee Cadiz, Khalkhalkii Zidane Iyo Qalbi Jabka Ka Hor Kulanka El Clasico

Advertisements

Real Madrid ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahayd naadiga dhowaanta kasoo dallacay heerka labaad ee Cadiz, taas oo ku garaacday 1-0.

Los Blancos oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka soo guuleysatay ayaa dhibic kaliya ka heshay ciyaar kala daadsanayd oo ay kala hor tageen Cadiz, taas oo Zinedine Zidane uu isbeddel weyn ku sameeyey safkiisa.

Daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta ayey Cadiz heshay goolka kaliya ee ciyaarta ka dhashay ee ugu filnaaday inay saddexda dhibcood ee kulanka la hoydaan, waxaana u saxeexay laacibkooda Anthony Lozano oo kubbad ka helay Alvaro Negredo.

Advertisements

Shaxdii labada kooxood

CADIZ STARTING XI (4-4-2): Jeremias Ledesma; Carlos Akapo, Juan Cala, Fali, Alfonso Espino; Alex Fernandez, Jose Mari, Jens Jonsson, Salvi Sanchez; Alvaro Negredo, Anthony Lozano.

Kaydka: Ivan Alejo, Alvaro Gimenez, David Gil, Jorge Pombo, Filip Malbasic, Jairo Izquierdo, Nano Mesa, Augusto Fernandez, Alberto Perea, Pedro Alcala, Jon Ander Garrido, Yann Bodiger.

REAL MADRID STARTING XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Nacho, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo; Luka Modric, Toni Kroos, Isco; Lucas Vazquez, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Marco Asensio, Luka Jovic, Federico Valverde, Lucas Canizares, Eder Militao, Casemiro, Andriy Lunin, Ferland Mendy, Rodrygo.

Zinedine Zidane ayaa ciyaartan kaydka dhigay kubbad-burburiyaha aanay la’aantii socon karin ee Casemiro, waxaana uu kusoo bilaabay ruug-caddaayadiisa khadka dhexe ee Toni Kroos iyo Luka Modric oo uu ka garab ciyaarsiiyey Isco oo aanay si fiican isku fahmin, halka weerarkana uu Karim Benzema garab dhigay Lucas Vazquez iyo Vinicius Junior

Real Madrid oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa daqiiqadihii 8aad iyo 12aad ku dhowaatay inay hoggaanka ciyaarta la wareegto, xilliyadaas oo shaqo layaab lahaa uu qabtay Lucas Vazquez.

Daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta ayay Real Madrid madaxa qabsatay markaas oo uu Cadiz goolka guusha u horseeday u dhaliyey Anthony Lozano, laakiin intaas oo kaliya kumay ekaanin ee waxa kale oo ay sameeyeen fursado kale oo goolal noqon karayay.

Zinedine Zidane ayaa waqtigii nasashada waxa uu saaray Sergio Ramos, Isco, Luka Modric iyo Vazquez, waxaanu keenay Casemiro, Militao, Vaverde iyo Marco Asensio, halka uu xilli dambena bannaanka dhigay Kroos oo uu kusoo beddelay Luka Jovic.

Los Blancos oo ay taatikadeeda ciyaareed wax weyni ka si’ ahaayeen ayaa dhawr fursadood oo goolal noqon karayay samaysay, waxaase dhamaantood ay gaadhi waayeen shabaqa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamatay 1-0 ay guushu ku raacday Cadiz.

Real Madrid ayaa yeelatay 11 dhibcood oo ay ka heshay shantii kulan ee ay dheeshay, waxaana ciyaarteeda xigta ee Sabtida toddobaadka soo socda ay marti u noqon doontaa Barcelona oo ay Camp Nou kula ciyaari doonto balse waxa ay Arbacada dheeli doontaa kulankeeda ugu horreeya ee Champions League ee xili ciyaareedkan.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. asc dhaman asxabta kuxiran websitkan
    teeda kale ayamahan tafatirka waxa kaqaldan hala isheko caawa real walaga badiyay hadane dhibic ay heshay ayuu kuhaya ninkan marka iska hubi qoralka iyo xaqiiqada cayarta real madrid 10 dhibic ayey ledahay

  2. ugaas cawa waxaad so contay noosheek hee qoralkan wad soqortay emadan aqrin ee bal halmar aqri
    mida kale cawa kahadlayo waxay tahay kooxaha markad kahadlaysiin fadlan qoraalada qaar aad halka isbuuc nagu so celcelinaysan naga dhafa sida liverpool oo kulanki horeguul daro fadeexa sogartay ologa badiyay 7 iyo eber hal isbuuc waad kudaraysan lee

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*