Real Madrid Oo Dhulka La Dhacday Liverpool, Vinicius Oo Taariikh Cusub Dhigay & Manchester City Oo Waqtigii Dhimashada Guul Ka Gaadhay Dortmund

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay Liverpool oo ay dhex jiid-jiiday garoonka Alfredo Di Stefano, iyadoo ku garaacday 3-1.

Advertisements

Real Madrid ayaa muujisay in ay aad uga awood badan tahay Liverpool oo ka liidatay dhinaca walba, waxaana dilay orodka aan joogsiga lahayn ee Vinicius Junior oo ku darsaday gool-dhalin aan hore loogaga baran.

Daqiiqaddii 27aad ayay Real Madrid heshay goolka koowaad oo uu u dhaliyey Vinicius Junior oo xabbadka ku maamulay kubbad uu meel fog kasoo tuuray Toni Kroos, kaas oo uu goolhaye Alisson oo uu la hor tegay u diiday wax fursad ah.

Marco Asensio ayaa toban daqiiqadood kaddib ku daray gool kale oo qurux badan, iyadoo uu ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Alexander-Arnold, laakiin Los Blancos ayaa qaybta hore iska lumisay fursado kale oo ay goolal ku dhashan karayeen.

Advertisements

Qaybtii dambe oo afar daqiiqadood socotay ayay Liverpool la timid gool uu u dhaliyey Mohamed Salah, waxaase goolkaas meesha ka saaray oo mar kale hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid Vinicius Junior oo ahaa xiddiga garoonka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Real Madrid, waxaanay labada kooxood lugta labaad iskugu tegi doonaan garoonka Liverpool ee Anfield oo ay Arbacada toddobaadka dambe ku wada ciyaari doonaan.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guul waqti dambe ah ka gaadhay Borussia Dortmund oo ay kaga badisay 2-1.

City ayaa daqiiqaddii 19aad uu gool u dhaliyey Kevin de Bruyne, hase yeeshee waxay Dortmund heshay goolka barbarraha daqiiqaddii 84aad ee dhamaadka qaybta dambe, halka uu Foden uu dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u saxeexay kooxdiisa Man City.

Ciyaartan ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester City, waxaase ay lugta labaad tegi doonaan Jarmalka oo ay Arbacada toddobaadka dambe ku wada ciyaari doonaan, halkaas ayaana laga go’aamin doonaa kooxda soo gudbaysa.

Shaxdii kulanka Real Madrid vs Liverpool

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Ozan Kabak, Nathaniel Phillips, Andrew Robertson; Naby Keita, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Sadio Mane, Diogo Jota.

Kaydka: Thiago, James Milner, Roberto Firmino, Adrian, Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Kostas Tsimikas, Xherdan Shaqiri, Ben Davies, Rhys Williams, Harvey Davies, Jake Cain.

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Eder Militao, Nacho Fernandez, Ferland Mendy; Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric; Marco Asensio, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Marcelo, Andriy Lunin, Federico Valverde, Alvaro Odriozola, Isco, Mariano Diaz, Rodrygo Silva, Diego Altube, Sergio Arribas, Victor Chust.

Faahfaahintii kulanka

Zinedine Zidane ayaa garoonka soo galay isagoo walaacsan oo aan haysanin difaacyadiisa Ramos iyo Varane oo uu midkoodna dhaawac ku maqnaa, midka kalena Korona Fayras oo maanta uun laga helay, waxaana difaaca dhexe uu kusoo wada bilaabay Miltao iyo Nacho, halka Vinicius Junior oo nastay ciyaartii Eibar oo isaguna garabka weerarka ee dhinaca bidix kusoo bilowday.

Jurgen Klopp ayaa isaguna saddex beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Arsenal ee guusha weyn soo hoysay sabtidii, waxaanu kaydka u diray Firmino oo uu ka doorbiday Diogo Jota, halka Wijnaldum iyo Keita ay iyaguna kasoo hormareen Thiago iyo Milner oo kaydka kusoo bilowday.

Bilowgii ciyaartaba Real Madrid ayaa ku dhowaatay in ay shabaqa soo taabato, waxaana kubbad dhinaca bidix uu ula socday uu ku toogtay goolka, waxaanu ku toosiyey Alisson oo ka qabtay.

Real Madrid ayaa daqiiqaddii labaad dalbatay rikoodhe kaddib markii Luka Modric uu ku dhacay xerada ganaaxa dhexdeeda iyadoo uu cidhiidhyey Wijnaldum, hase yeeshee garsooraha ayaa u sheegay in ay ciyaartu socoto.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! VINCIUS!!!! Real Madrid ayaa ciyaarta hoggaanka u qabatay daqiiqaddii 27aad, markaas oo kubbad meel fog uu kasoo tuuray Toni Kroos uu si xarrago leh xabbadka ugu qaatay, lana hormaray difaaca Liverpool, ka hor intii aanu goolhaye Alisson kubbad dhulka socota dhaafinin. Allah muxuu gool ahaa.

TAARIIKH: Vinicius Junior oo ay da’diisu tahay 20 sannadood iyo 268 maalmood ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee Real Madrid u dhaliya gool kulan ka tirsan wareegyada isreeb-reebka ee marxaladdan oo kale, waxaana ka horreeyey Raul oo gool dhaliyey isagoo 18 jir iyo 253 maalmood jir ah sannadkii 1996kii, ciyaar ay kooxdiisu ka hor tagtay Juventus.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! ASENSIO!!! Real Madrid ayaa sii dheeraysatay hoggaanka daqiiqaddii 36aad, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Marco Asensio oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Alexander-Arnold oo kubbad uu isku dayey inuu madax ugu dhiibo goolhaye Alisson uu dhexda ka qaatay Asensio.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay Real Madrid ciyaarta la nasatay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa u muuqday in qaybta dambe uu beddelay taatikadiisii qaybta hore, waxaanay kooxdiisu samaysay cidhiidhin ka badan intii hore.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!!! Liverpool ayaa dib usoo noolaatay, waxaana gool u dhaliyey Mohamed Salah oo helay kubbad uu Diogo Jota lasoo dhex qaaday difaaca  Madrid. Goolkan ayaa xoogaa hakad la geliyey iyadoo laga soo hubiyey VAR maadaama uu Salah u muuqday in uu offside ku jiro. Laakiin Vazquez ayay sinnaadeen markii la hubiyey.

Real Madrid ayaa weerarro xooggan kaga jawaabtay goolka laga dhaliyey, waxaana fursad lumiyey Karim Benzema, halka uu Ferland Mendy kubbad halis ahaa ka  keenay dhinaca bidix.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! VINCIUS!!! Mar kale ayuu ku celiyey!!! wuu burburiyey Liverpool – Hore uma soo marin habeenkan oo kale, farxad ayaanu kala batay.

Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa goolka saddexaad ee kooxdiisa iyo midkiisa labaad ee ciyaartan dhaliyey, waxaana kubbad uu dhinaca midig uga soo dhiibay Luka Modric uu si fudud ugu taabtay goolka, waxaase aan diyaar usii ahayn Alisson oo waqti dambe arkay kubadda oo usoo dhow, sidaas ayaanay ku gashay shabaqa.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Real Madrid oo iyadoo guul weyn haysata tegi doonta Anfield toddobaadka dambe.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*