Real Madrid Oo 100 Maalmood Kadib Kali Ku Noqon Karta Hogaanka Horyaalka La Liga – Maxaa Looga Baahan Yahay Caawa?

Advertisements

Real Madrid ayaa fursad u heysata iney kali ku noqoto hogaanka horyaalka La Liga kulanka ay caawa martida u yahiin Real Valladolid kadib guuldaradii ay shalay la kulmeen Barcelona kuwaas oo 2-0 lagu suldaaray kadib ciyaar ay soo dhaweeyeen Valencia.

Los Blancos markii ugu dambeysay hogaanka La Liga waxey aheyd 100 maalmood ka hor, xasuuso October 19, 2019, balse guuldaro kasoo gaartay Real Mallorca ayaa sababtay in Barcelona ay fursad u hesho iney kala wareegto xilka.

Tan iyo markaas wiilasha Zinedine Zidane wey awoodi waayeen iney kali ku noqdaan hogaanka iyagoon xitaa guuldareysan, balse natiijooyinka Barcelona ayaa ahaa kuwa fiican ilaa shalay oo ay guuldaro la kulmeen.

Real waxey dib u qabsan kartaa hogaanka La Liga hadii ay guul ka gaaraan Valladolid, waxaana ku dhalan doona fikir ah iney hormar sameeyaan si ay ugu guuleystaan horyaalka.

Kooxda boqortooyada wax guuldaro ah lama kulmin 11-kulan, waxeyna diyaar u yahiin caawa iney ku boodaan kaalinta 1-aad.

Advertisements

Zidane wuxuu tartan u gali doonaa ku guuleysiga La Liga iyadoo la xasuusto inuu 2017 kooxdaan u hogaamiyay, sidoo kale Supercopa de Espana ayuu si rigooreyaal ah kaga guuleystay Atletico Madrid kadib final ka dhacay Saudi Arabia.

Los Blancos caawa uma baahna iney guuleysato kaliya, sidoo kalana barbaro ayaa kaga filan iney 1-dhibic ku qabato hogaanka La Liga.

Comments are closed.