Real Madrid Iyo Bayern Munich Oo Si Bilaash Ah Isku Dhaafsanaya Xiddigo Waa Weyn

Kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa ku dhow inay ciyaartoy isku dhaafsadaan si bilaash ah iyadoo Lucas Vazquez iyo David Alaba ay labada kooxood si xor ah u kala biirayaan.

Advertisements

Xaqiiqda ah in labada ciyaaryahan ay diideen inay qandaraaska u kordhiyaan kooxahooda ayaa ka dhigeysa suurtogal inay isku dhaafaan Munich iyo Madrid.

Xiddiga reer Austria ayaa si xooga loola xiriirinayaa Real Madrid iyadoo la filayo in saxiixiisa la dhameystiro isbuucyada soo socda.

Vazquez ayaa iska diiday qandaraaskii cusbaa ee ay u soo bandhigtay Real Madrid iyadoo Bayern Munich ay sugeyso inuu go’aan rasmi ah ka gaaro mustaqbalkiisa si ay u la soo wareegaan halka Bayern ay ka sabartay bishii November xiddigooda boosaska badan ka dheeli kara ee David Alaba.

Advertisements

Haddii ay labada ciyaaryahan u kala wareegaan labada kooxood, Los Blancos iyo Bayern waxay waayi doonaan islamarkaana ku guuleysan doonaan xiddig boos badan ka dheeli kara.

Alaba wuxuu boos joogta ah ka heystaa kooxdiisa iyo wadankiisa halka Vazquez uu ka maqan yahay xulka Spain tan iyo Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Russia.

Alaba ayaa inta badan waayihiisa ciyaareed ka ciyaaray booska daafaca bidix si kastaba xilli ciyaareedyadii ugu danbeysay wuxuu isku bedelay daafac dhexe.

Liiska xiddigaha xorta noqonaya xagaagan waa mid dheer waxaana ka buuxa xiddigo waa weyn iyadoo ay hogaaminayaan xiddiga Barcelona Lionel Messi iyo daafaca Real Madrid Sergio Ramos.

Waxaa sidoo kale xor ah Kun Aguero, goolhayaha AC Milan Gigi Donnarumma, Memphis Depay, Julian Draxler iyo Eric Garcia.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*