Real Madrid Iyo Barcelona Oo Ku Daggaallamay Xiddiga Manchester United Ee Bruno Fernandes – Sidee Ayay Wax U Jiraan

Advertisements

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaallami doona xiddiga Manchester United khadka dhexe uga ciyaara ee Bruno Fernandes, siddeed bilood kaddib markii uu laacibkani kusoo yimid Old Trafford.

Sida uu qoray warrgeyska The Sun ee kasoo baxa England, labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa si dhow ula socday horumarka ciyaareed ee uu samaynayay Fernandes siddeedii bilood ee uu joogay Manchester United oo £68 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Sporting Lisbon bishii January.

Bruno Fernandes ayaa la sheegay in ay isku dhaceen tababare Solskjaer waqtigii nasashada ee kulankii Tottenham oo la beddelay intii ay ciyaartoydu ku jireen qolka lebbiska ee aanay kusoo laabanin qaybta dambe, waxaana inkasta oo uu laacibkani tilmaamay inay kaliya ahayd inay kulanka falanqeeyaan, haddana ay wararka kutidhi-kuteenka ahi tibaaxayaan inuu jiro murug u dhexeeya labadooda.

Advertisements

26 jirkan oo 14 gool u dhaliyey Manchester United tan iyo markii uu yimid, isla markaana isbeddel weyn ka sameeyey qaab ciyaareedka kooxda, ayay wararku sheegayaan in hadda ay labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona doonayaan.

Wargeyska Daily Mirror oo aanu warkan kasoo xiganay ayaa sheegay in Barcelona ay horraantii bishan indhaha ku qabatay Fernandes oo ay la dhacsan tahay qaab ciyaareedkiisa, ayna tamaniyeyso sida uu safkeedu noqon lahaa haddii ay heli lahayd laacibka.

Sidaas oo kale, Real Madrid ayuu wargeysku sheegay inay si dhow ula socoto xaaladihii ugu dambeeyey ee Manchester United ee u dhexeeyey Solskjaer iyo Fernandes.

Si kastaba, fursadaha ay labadan kooxood ku heli karayaan Bruno Fernandes ayaa aad u yar haddii aanay imanin xaalado gudaha Manchester United gudaheeda ka dhasha oo ku qasba in 26 jirkani uu ka tago Old Trafford.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*