RB Leipzig Oo Lagu Qasbay Inay Lacag Magdhow Ah Siiso Liverpool

Kooda kubadda cagta RB Leipzig ayaa lagu qasbay inay lagac magdhow ah siiso dhiggeeda Liverpool kaddib markii la go’aamiyey in labada kooxood ay lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ku ciyaaraan magaalada Budabesp.

Advertisements

Liverpool ayay ahayd in Arbacada ay garoonkeeda Anfield ku qaabbisho RB Leipzig laakiin kooxdan ayay u suurtogeli weyday inay UK tagto maadaama ay 14 maalmood oo karantiil ah geli doonto marka ay ku laabato waddankeeda Germany oo xayiraado saaray safarrada UK.

UEFA ayaa kulankan u rartay caasimadda waddanka Hungry ee Budapest oo lugtii horena ay ka dhacday, waxaana mar kale ay Arbacada ku wada ciyaari doonaan garoonka casriga ah ee Puskas Arena.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa UK, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku xukumay Leipzig inay bixiso lacag dhan £1.3 milyan oo Gini ah oo ay magdhow ahaan u siiso Liverpool maadaama ay sabab u noqotay in Reds aanay ku ciyaarin garoonkeeda.

Advertisements

Lacagtan oo ah kharashka Liverpool ay ku bixin doonto safarka iyo hotelka ay ciyaartoydeedu degayaan ayaa RB Leizig loo sheegay inay u shubto Liverpool.

Kooxda reer England ayaa hore u bixisay £1.3 milyan oo Gini oo ay siisay RB Leipzig markii ay awoodi wayday inay tagto waddanka Germany oo ay marti ugu noqon lahayd kooxdan, laakiin ay ka horreyn lahayd inay gasho toban maalmood oo karantiil ah, si ay taas uga baaqsatana kulankaas loo raray Budapest.

Agaasimaha waaxda ganacsiga RB Leipzig oo lagu magacaabo Dlorian Scholz ayaa wargeyska Bild u sheegay in kooxdiisu aanay u tegi karaynin Liverpool, sidaa darteedna ay tahay inay helaan garoon kale oo ay ku ciyaaraan, diyaarna ay u yihiin inay bixiyaan lacagta magdhowga ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*