RB Leipzig Oo Ku Maadeysatay Xiddigoodii Hore Timo Werner Ka Dib Guuldaradii Chelsea Ka Soo Gaartay Arsenal Finalkii FA Cup

Advertisements

Kooxda Jarmalka ee RB Leipzig ayaa ku maadeysatay Timo Werner ka dib markii uu daawaday guuldaradii Chelsea ka soo gaartay Arsenal finalka FA Cup kulankii shalay oo Sabti aheyd.

Xiddiga ay Chelsea kula soo wareegtay 47.5 milyan ginni ayaa fadhiyay garoonka Wembley iyadoo kooxda Frank Lampard ay hogaanka ku qabatay gool uu dhaliyay Christian Pulisic.

Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa rigoore ugu barbareeyay Arsenal ka hor inta uusan gool labaad u saxiixin qeybtii labaad iyadoo Gunners ay ku guuleysatay koobkeedii 14aad ee FA Cup.

Advertisements

Intii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta, kaamirada ayaa qabatay Werner oo u muuqda mid fariin qoraaleed ku diraya taleefankiisa iyadoo Chelsea ay raadineysay goolka barbaraha.

Werner kooxdiisii hore RB Leipzig ayaa sawirkaas uga faa’ideysatay inay ku maadeystaan weeraryankoodii hore, iyagoo soo jeediyay inuu durbaba raadinayo inuu ka tago Stamford Bridge.

Sawir ay soo dhigeen Twitter, RB Leipzig ayaa sameysay sawir Werner uu fariin qoraaleed ku dirayo Whatsapp iyadoo qeybta kore ee fariinta ay leedahay: ‘Timo Werner is typing’. (Timo Werner wax buu qorayaa’)

Sawirka ay sameeyeen waxay ugu gol lahaayeen inay ku muujiyaan in Werner uu durbaba raadinayo inuu koox kale ku biiro ka dib guuldaradii ay kooxdiisa cusub kala kulantay Arsenal.

Werner ayaa durbaba tababar la qaadanayay asxaabtiisa cusub ee Chelsea iyadoo ay macquul tahay inay Stamford Bridge ka wada ciyaaraan xiddiga ay xulka Jarmalka saaxiibta ku yihiin ee Kai Havertzz.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay la soo saxiixata Havertz iyagoo wadahadalo joogta ah kula jira kooxda Bayer Leverkusen.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

4 Fekradood

  1. Ugu Horeyn Ku salaamay Salaan Ka Bacdi Nin La Iibsaday Ayaad Leedihiin Waxa Uu tagayaa koox Kale Oo Xitaa Lacagtii La diray So Waxaan Kuleeyahay Waxan Hasoo Gudbin Werner waa Ciyaartoy chelsea ha Isagaana Guusha U wada

  2. Goormuu u ciyaaray Chelsea imika umbaa lasoo iibiyey tankale asaga ayaa laga sugaayaa inuu guul darrada noocaan ah xalliyo ee waxad soo qoraysa kafiirso

  3. Webkaan Waxaa Iska leh Manchester United iyo arsenal Si Chelsea dhaliil Loogu Raadiyo Hadalada Troll Football Lasoo Dhigo Ee Dacaayada Ah Xataa Wey Soo Qaadanayan hhhhhh

  4. Reer Chelsea waa cabaadayaan waa koox yar war waxani maxuu tarayaa hadduu yaaban yhyba’e 😀😀😀😀

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*