RASMI: Xulkii Ugu Horeeyay Ee U Soo Baxa Koobka Euro 2020 Oo La Xaqiijiyay

Advertisements

Xulka Belgium ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee u soo baxay koobka Euro 2020 iyadoo Romelu Lukaku uu labo gool dhaliyay kulankii ay xalay 9-0 ku xasuuqeen San Marino.

Xulka tababare Roberto Martinez ayaa 11 dhibcood ka sareeya xulka kaalinta 3aad ee Group I ee Cyprus taasoo xaqiijineysa inay iska xaadiriyeen koobka Euro 2020.

Belgium ayaa badisay dhamaan todobadii kulan ee ay ciyaareen isreebreebka Euro 2020 iyadoo laga dhaliyay kaliya hal gool.

Belgium ayaa 6-0 ku hogaamineysay ka hor dhamaadkii qeybta hore ka dib labo gool uu Lukaku dhaliyay, labo gool ay San Marino iska dhalisay iyo goolal ay kala dhaliyeen Nacer Chadli iyo Youri Tielemans.

Christian Benteke ayaa 7-0 ka ka dhigay ka hor inta uusan Yari Verschaeren rigoore dhalinin, waxaana guusha soo xiray Timothy Castagne.

Labada gool ee uu Lukaku dhaliyay ayaa la mid ah inay yihiin goolashiisii 51aad ee heerka caalami, waxayna taasi ka dhigtay xiddigii ugu horeeyay ee Belgium ee gaara 50 gool.

Weeraryahanka Inter Milan ayaa lix gool dhaliyay 10kii kulan ee ugu danbeysay ee koox iyo wadan ee xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Russia ayaa u muuqata inay Belgium kula soo biireyso ka soo bixitaanka Group I ka dib markii ay sii xoojisteen booskooda kaalinta labaad iyagoo 4-0 ku xaaqay Scotland.

Spain iyo Italy ayaa iyagana u muuqda kuwa dhawaan xaqiijisan doona u soo bixitaankooda Euro 2020 madaama ay badiyeen ilaa iyo haatan lixdii kulan ee ay ciyaareen isreebreebka.

Comments are closed.