RASMI: Xidhiidhka FA Oo Kansalay Horyaallada Heerarka Hoose Ee Ingiriiska Iyo Liverpool & Leeds United Oo Wadnaha Farta Ku Haya

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa soo saaray go’aan ah gebi ahaanba ku kansaleen horyaallada heerarka hoose ee xili ciyaareedkan, kuwaas oo halka ay taagan yihiin si rasmi ah loogu joojin doono, isla markaana laga dhigi doono sidii wax aan la ciyaarin oo sannadkan baaqday oo kale.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA oo kulan la yeeshay inta badan kooxaha, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in horyaallada heerarka hoose ee xili-ciyaareedkoodani waxba kama jiraan yihiin, gaar ahaan labada tartan ee National League North and South, laakiin horyaalada ka sareeya National Football League North and South oo ay ka mid yihiin horyaalka Premier league iyo horyaalka heerka labaad ayaanu go’aankani wax saamayn ah ku lahayn.

Laakiin markii la maqlay in kubbada cagta heerka hoose ee UK gabi ahaanba xili ciyaareedkoodii laga dhigay mid ayna waxba ka jirin waxaa soo baxday cabsida ah in haddii ay xaaladu sii xumaato ay suurtogal noqon karto in dhamaan xili ciyaareedka kubbada cagta UK oo uu Premier leaugue ku jiro ay halis ugu jiraan go’aankan oo kale.

Inkasta oo go’aankani ku kooban yahay kubbada cagta ee halka ugu hoosaysa oo ah kuwa loo yaqaan Steps 3 ilaa Steps 6, haddana go’aanka xili ciyaareedkoodii lagu burburiyay ayaa naxdin ku ah kooxda Liverpool oo aan wali jawaab rasmi ah ka helin koobka ay 6 dhibcood u jiraan iyo Leeds United oo hoggaanka horyaalka heerka labaad ee Championshipka haysa oo rajaynaysa inay ku guuleysto koobka, isla markaana usoo dallacdo Premier League oo ay xili ciyaareedka dambe ka ciyaarto.

16 kooxood oo kubbada cagta ah oo ka dhisan isla magaalada Liverpool ayaa maanta si rasmi ah loogu war galiyay in xili ciyaareedkoodii uu gabi ahaanba noqday waxba kama jiraan iyada oo ayna jiri doonin kooxo sare u soo dalici kara ama hoos u dhici karaa.

Kooxaha magaalada Liverpool ka dhisan ee uu sameeyay go’aanka rasmiga ah ee FA-gu xili ciyaareedkoodii waxba kama jiraanka uu ka dhigay waxay kala yihiin Bootle, Lower Breck, AFC Liverpool, Vauxhall Motors, Marine, Burscough, Litherland REMYCA, St Helens Town, Pilkington, Runcorn Linnets, Runcorn Town, Widnes, Prescot Cables, City of Liverpool, Cammell Laird 1907 iyo Skelmersdale United.

Laakiin go’aanka uu FA-gu soo saaray ayaan wax saamayn ah ku yeelanayn horyaalka Premier league kaas oo la filayo in markale ay madaxda kooxuhu shirkii saddexaad iskugu iman doonaan tan iyo markii uu coronavirus dilaacay.

Advertisements

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in kooxaha Premier league ay shir kale iskugu iman doonaan si loogu qorsheeyo qaabka ay doonayaan in xili ciyaareedka lagu dhamaystiro iyo waliba qaabka uu jadwalku noqon doono maadaama oo uu waqtigu kooban yahay.

Si kastaba ha ahaatee, kubbada cagta heerarka ugu hooseeya ee UK ayaa gabi ahaanba laga dhigay kuwo xili ciyaareedkoodii ku soo dhamaaday waxba kama jiraan taas oo ay kooxaha iyo maamulada kubbada cagtu si rasmi ah iskula qaateen.

Comments are closed.