RASMI: Xiddigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Bishii September Oo Lagu Dhawaaqay – Yaa Ku Guuleystay?

Advertisements

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii September kadib markii uu kulan walba shabaqa soo taabtay.

Xiddiga reer Gabon ayaa dhaliyay 5-gool, afartii ciyaarood uu ciyaaray bishii lasoo dhaafay, taasina waxey keentay inuu safka hore ka galo tartanka loogu jiro gooldhalinta horyaalka Premier League.

Arsenal ayaan wax guuldaro ah la kulmin bishii lasoo dhaafay, saddex barbaro iyo 1-guul ayey heshay, kaliya kulankii Aston Villa ee dhamaadka bisha ayey si dirqi ah ku guuleysteen.

Xiddiga heerka caalami wuxuu laba gool ka dhaliyay Watford kulan 2-2 ku dhamaaday, sidoo kale wuxuu min gool ka dhaliyay Spurs, Red Devils iyo Aston Villa.

Advertisements

30-jirkaan wuxuu abaalmarintaan ku garaacay dhawr ciyaartoy oo ka mid ahaa musharaxiinta waxaana ka mid ah: Trent Alexander-Arnold, Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez, John McGinn, Ricardo Pereira, Son Heung-min iyo Callum Wilson.

Waa markii labaad uu xiddigaan ku guuleysanayo abaalmarintaan tan iyo markii uu yimid horyaalka Premier League, waxaa la xasuustaa inuu hantay October 2018.