RASMI: Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Elche Oo Lasoo Saaray Iyo Zidane Oo Nefis Ka Galay Dhaawacyadii

Real Madrid ayaa shaacisay 20ka ciyaartoy ee kulanka berri oo Sabti ah ay kala hor tegayso Elche oo ay ku ballansan yihiin ciyaar ay Los Blancos u baahan tahay inay guul ka keento si ay ugu dhowaato hoggaanka horyaalka oo ay hayso Atletico Madrid.

Advertisements

Zinedine Zidane ayaa kooxdiisa ka reebay difaaca reer Brazil ee Marcelo oo dib ugu laabtay dhaawac uu kasoo noqday dhowaan, laakiin waxa uu dhinaca kale nefis ka galay walwalkii badnaa ee dhaawacyada iyo ciyaartooyo yaraantii uu bilihii ugu dambeeyey ku jiray.

Eden Hazard iyo Sergio Ramos ayaa labadaba lagu soo daray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Elche iyagoo taam kasoo noqday dhaawacyo ay muddo qabeen, taas oo Zidane u xaqiijinaysa inuu kusoo bilaabi karo ciyaarta Champions League ee Atlanta ee dhamaadka usbuuca.

Marcelo ayaa liiska maqnaeyaasha kula biiray difaacyada midig ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola, halka weeraryahanka dhaawacyadu daashadeen ee Mariano Diaz uu mar kale kusii jirayo ciyaartoyda daawada ku qaadanaysa sariirta.

Advertisements

Difaaca midig ayay Real Madrid u haysataa Lucas Vazquez oo buuxin doona, hase yeeshee waxa isagana kabniin usii ahaan doona laacibka reer Brazil ee Eder Militao oo isaguna kasoo kabtay dhaawac.

Zinedine Zidane ayaan u baahinin inuu u ciyaaro ciyaartoydii da’ yarta ahaa ee toddobaadyadii ugu dambeeyey uu uga yeedhanayay heerka labaad si ay safkiisa ugu dhamaystiraan, qaybaha dambena beddel ugu soo geliyo, laakiin weeraryahanka Hugo Duro ayaa¬† kasbaday qalbiga tababaraha oo mar kale liiska kooxda lagu soo daray.

Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Real Madrid ee kulanka Elche:

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube

Difaaca: Eder Militao, Sergio Ramos, Rapahel Varane, Nacho, Ferland Mendy

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Jr, Rodrygo, Hugo Duro

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*