RASMI: Xiddigaha Ku Tartami Doona Abaal-marinta Golden Boy Ee Da’yarka Ugu Wanaagsan Dunida Oo Lagu Dhawaaqay

Advertisements

Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay xiddigaha liiska gaaban ee ku tartami doona abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan da’yarta dunida ee ‘Golden Boy’, taas oo sannad walba la bixiyo.

Wargeyska fadhigiisu yahay waddanka Talyaaniga ee Tuttosport ayaa soo saaray liiska 40ka ciyaartoy ee abaal-marinta sannadkan ku loollami doona, kuwaas oo soo maray jaran-jarooyin hore oo ciyaartoyda liisatadoodu lagu soo kala yareeyey.

100ka ciyaartoy ee murashaxiinta ah oo markii hore lasoo saaray ayaa waxa laga soo xulay 60ka laacib ee ugu wanaagsan, waxaana mar kale lagu noqday qiimaynta bandhiggooda iyo waxqabadka laacibiintan, waxaana laga tuuray 40 ciyaartoy iyadoo tirada tartameyaasha laga dhigay 60 ciyaartoy.

Advertisements

Mar kale ayuu wargeyska Tuttosport liiska gaabiyey, waxaana hadda lasoo xulay oo lagu dhawaaqay 40ka ciyaartoy ee tartameyaasha ah, kuwaas oo ay ku jiraan inta badan da’yarta ka ciyaarta qaaradda Yurub ee kasoo dhex muuqday naadiyada waaweyn.

Shanta horyaal ee waaweyn ee Premier League, LaLiga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1 ayaa tirada ugu badan ka helay liiska ciyaaryahannada u sharraxan abaal-marintan, laakiin intaas kuma koobna waxaana jira ciyaartooyo kale oo ka yimid kooxo ka dhisan waddamada kale ee qaaradda Yurub.

Akhriso 40ka ciyaartoy ee murashaxiinta ah ee Tuttosport ay soo saartay:

Marley AKÉ, OLYMPIQUE MARSIGLIA

Adil AOUCHICHE, SAINT-ÉTIENNE

Benoît Mukinayi BADIASHILE, AS MONACO

Mitchel BAKKER, PARIS SAINT-GERMAIN

Myron BOADU, AZ ALKMAAR

Dennis BORKOWSKI, RB LIPSIA

Eduardo CAMAVINGA, RENNES

Marco CARNESECCHI, ATALANTA

Rayan Mathis CHERKI, OLYMPIQUE LIONE

Jonathan Christian DAVID, LILLA

Alphonso Boyle DAVIES, BAYERN

Sergiño Gianni DEST, AJAX

Sebastiano ESPOSITO, INTER

Daniel Soares FÁBIO SILVA, WOLVERHAMPTON

Anssumane Vieira FATI, BARCELLONA

Philip Walter FODEN, MANCHESTER CITY

Amine Ferid GOUIRI, NIZZA

Ryan Jiro GRAVENBERCH, AJAX

Mason Will John GREENWOOD, MANCHESTER UNITED

Erling Braut HÅLAND, BORUSSIA DORTMUND

Callum James HUDSON-ODOI, CHELSEA

Mohamed Amine IHATTAREN, PSV EINDHOVEN

Ozan Muhammed KABAK, SCHALKE 04

Michal KARBOWNIK, LEGIA

Tanguy-Austin Nianzou KOUASSI, BAYERN

Dejan KULUSEVSKI, JUVENTUS

Silva Santos MARCOS ANTÔNIO, SHAKHTAR DONETSK

Euclides Soares RAFAEL CAMACHO, SPORTING LISBONA

Silva de Goes RODRYGO, REAL MADRID

Bukayo SAKA, ARSENAL

Jadon Malik SANCHO, BORUSSIA DORTMUND

Vladyslav Serhijovyc SUPRJAHA, DYNAMO KIEV

Dominik SZOBOSZLAI, RED BULL SALISBURGO

Lago Pontes TOMÁS ESTEVES, PORTO

Franco TOMÁS TAVARES, BENFICA

Sandro TONALI, MILAN

Ferrán Garcia TORRES, MANCHESTER CITY

Christos TZOLIS, PAOK

José Paixão de Oliveira VINÍCIUS JÚNIOR, REAL MADRID

Neco Shay WILLIAMS, LIVERPOOL

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*