RASMI: Xiddiga Iyo Tababaraha Ku Guuleystay Abaalmarinta Bisha Ee Premier League Oo Lagu Dhawaaqay

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Norwich City Teemu Pukki ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiicnaa Premier League bishii la soo dhaafay ee Agoosto.

29 jirkaan ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga Burnley Ashley Barnes, xiddiga Liverpool Roberto Firmino kuwa Manchester City Sergio Aguero, Raheem Sterling iyo Kevin de Bruyne.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa isna ku guuleystay abaalmarinta tababaraha bisha ee Premier League ka dib markii Reds ay wada badisay dhamaan afartii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka.

Roy Hodgson, Brendan Rodgers iyo Pep Guardiola ayaa ahaa tababarayaasha kale ee u sharaxnaa abaalmarinta.

Guushii 3-0 ee ay Liverpool ka gaartay Burnley ayay ku sii dheereysteen guulahooda iyagoo ay u aheyd guushii 13aad ee isku xigta ee ay ka gaaraan Premier League.

Pukki ayaa dhaliyay shan gool afar kulan uu ciyaaray bishii Agoosto oo ay ku jirto seddexleey uu dhaliyay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Newcastle.

Advertisements

Xiddiga reer Finland ayaa si xor ah uga soo wareegay kooxda Brondby IF sannadii 2018, waxaana uu Norwich ka caawiyay inay u soo dalacaan Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester City vs Watford - Pep Guardiola Oo Isbedelo Dhawr Ah Ku Sameeyay Shaxdiisii Kulankii Norwich?

Aguero ayaa gooldhalinta ku hogaaminaya lix gool isagoo ka horeeya Sterling (shan) iyo Barnes (afar)

Comments are closed.