RASMI: Xiddig Caan Ka Ah Horyaalka La Liga Oo Xagaaga Soo Aadan Ku Biiri Doono Al-Shabaab.

Advertisements

Kooxda Al-Shabaab ee ka dhisan horyaalka Saudi Arabia ayaa ku dhawaaqday iney si xor ah ku qaadan doonaan kubad sameeyaha Sevilla Ever Banega marka uu dhamaadk fasal ciyaareedkaan.

Kooxdaan dooneysa iney horyaalkeeda keento magacyo caan ka ah dunida kubada cagta ayaa la heshiisay xiddiga reer Argentina wuxuuna si xor ah ugu imaan doonaa 1-da July 2020, maadaama uu heshiiskiisa kooxda reer Spain dhamaan doono 30-ka June.

31-jirkaan heerka caalami ayaa u saxiixay kooxda ka dhisan magaalada Riyad 3-sanadood, wuxuuna ka hoos ciyaari doonaa macalinka reer Spain ee Luis Garcia Plaza kaas oo shaqada la wareegay bishii December ee sanadkii hore.

Advertisements

Ever Benaga laba jeer ayuu kooxda Sevilla wakhti ku qaatay, wadar ahaan 5 fasal ciyaareed ayuu ku sugnaa, balse dhamaadka fasalkaan ayuu soo afjari doonaa wakhtigiisa.

Wuxuu go’aankaan qaatay iyadoo uusan shaki kaga jirin sida uu door muhiim ah ugu qaadan karo iney kooxda ka dhisan Andalusian usoo baxdo koobka horyaalada yurub fasalka soo aadan.

Comments are closed.