RASMI: Weeraryahankii Ku Fashilmay Real Madrid Oo Helay Koox Uu Ku Badbaadiyo Waayihiisa Ciyaareed

Advertisements

Kooxda Jarmalka ee Eintracht Frankfurt ayaa xaqiijisay inay amaah ku soo ceshteen weeraryahanka ku fashilmay Real Madrid ee Luka Jovic.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa markii labaad u ciyaaraya kooxda Bundesliga ka dhisan ka dib markii uu ku guuldareystay waqtigiisii kooxda Los Blancos.

Luka Jovic ayaa heshiis 60 milyan ginni ah uga wareegay Frankfurt kuna biiray kooxda Real Madrid sannadkii 2019 laakiin waa uu noqon waayay sidii la filayay.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa qiyaar u leh inay si joogta ah u iibsato weeraryahanka marka uu heshiiskiisa amaahda dhamaado xilli ciyaareedkan.

Heshiiskaan waxa uu soo gabagabeynayaa waqtigii qarowga aheyd ee uu xiddigaan ku qaatay Real Madrid isagoo ku dhibtooday inuu ka faa’ideysto fursadihii xadidnaa ee la siiyay.

Tababaraha kooxda Eintracht Frankfurt oo lagu magacaabo Adi Hutter ayaa shaaca ka qaaday wadahadal dhexmaray isaga iyo Jovic, wuxuuna ku faraxsan yahay inuu helo weeraryahanka.

“Jovic wuxuu sameeyay wax walba awoodiisa ah oo uu dib inoogu soo laaban karo” ayuu Hutter u sheegay Bild.

“Wadahadalkii ina dhexmaray wuxuu ahaa mid aad u fiican, aad ayaana ugu faraxsaneyn labadeena inaan dib isku maqalno.

“Fariin weyn ayay u tahay taageerayaasha sababtoo ah waa ciyaaryahan special ah.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*