RASMI: Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka El Clasico Ee Real Madrid vs Barcelona Oo La Shaaciyey

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa shaaciyey waqtiga la ciyaari doono kulanka xiisaha badan ee El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona oo ah midkii iskugu dambeeyey xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Labada kooxood ee ugu waaweyn Spain ayaa xilli ciyaareedkan hoggaanka horyaalka ay ka haysaa Atletico Madrid oo ay eryanayaan, waxaana waqti ay u muuqdeen in ay quus ku dhow yihiin ay gacan ka heleen kooxaha kale oo isku duubay Atletico oo hadda afar dhibcood ka horreysa Barca, halka ay lix dhibcoodna ka horreeyaan Real Madrid.

Ciyaartii hore ee labada kooxood ee ka dhacday garoonka Barcelona ee Camp Nou, waxa guul weyn gaadhay Real Madrid oo saddexda dhibcood soo qaadatay.

Maamulka LaLiga ayaa shaaciyey waqtiga ay dhacayso ciyaarta El Clasico oo ay labada kooxood foodda isku dari doonaan garoonka Estadio Alfredo Stefano ee Real Madrid, waxaana hore loosii qorsheeyey in ay noqoto ciyaarta 30aad ee horyaalka.

Advertisements

Maalinta Sabtida ee April 10 ayay labada kooxood ku wada ciyaari doonaan Alfredo Di Stefano, marka ay saacadda Geeska Afrika tahay 11pm.

Fede Valverde, Sergio Ramos iyo Luka Modric ayaa Real Madrid u dhaliyey goolasha kulankii Camp Nou ee horraantii xilli ciyaareedkan, waxaana Zinedine Zidane oo ay kooxdiisu ku jirto kaalinta saddexaad oo laba dhibcood ay Barca kasii dambayso uu u baahan yahay guul, si uu usii xoojiyo halganka uu ugu jiro inuu difaacdo horyaalka.

El Clasico ayaa natiijada kasoo baxda, waxa si weyn ula soconaysa Atletico Madrid oo inkasta oo ay afar dhibcood ka horreyso Barcelona oo kusoo xigta, haddana doonaysa in aan lagu soo dhowaanin si ay ugu guuleysan karaan horyaalkii ugu horreeyey tan iyo 2013-14.

Usbuuca ka horreeya El Clasico, Real Madrid ayaa marti gelin doonta Eibar marka ay taariikhdu tahay April 3, halka Barcelona ay maalin kaddib la ciyaari doonto Real Valladolid.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*