RASMI: Uefa Oo Ku Dhawaaqay Liiska AFARTA Xiddig Ee Ku Tartami Doona Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Champions League Toddobaadkan

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay magacyada afarta ciyaaryahan ee ku tartami doona ku guuleysiga ciyaaryahanka ugu wanaagsan tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee UEFA Champions League.

Advertisements

Afarta ciyaaryahan oo dhammaantood khad dhexe ah ayaa kala ah mashiinka Manchester City ee Kevin De Bruyne, bur-buriyaha Chelsea ee N’Golo Kante, Joshua Kimmich oo ah isku xidhaha Bayern Munich iyo Luka Modric oo aan u muuqan 35 sano jir wacdarona ku dhigaya Real Madrid.

Aan ku bilawnee Kevin De Bruyne ayaa gool cajiib ah oo hadal hayn badan dhaliyay isla markaana gantaal ahaa kasoo dhaliyay Borussia Monchengladbach habeen hore.

Joshua Kimmich ayaan ku lug lahayn goolashii 2-1 ka ahaa ee ay Bayern Munich xalay kaga adkaatay Lazio balse ahaa mid muhiim u ah kuna guuleystay xiddigii ugu fiicnaa kulankaas.

N’Golo Kante ayaa dhinaciisa ahaa midkii xalay kala dhantaalay Atletico Madrid isaga oo kasoo caawiyay Chelsea inay 2-0 ku guuleysato kulankaas isaga oo marar badan aamusiiyay kubado weerar ah oo ay Rojiblancos qaadeen.

Ugu dambayn, Modric ayaa markale xalay Real Madrid usoo muujiyay sababta uu ugu qalmo heshiis cusub oo ay ka saxeexdaan, Modric ayaa caawiye ka ahaa goolkii furitaanka ee ay Real kasoo dhalisay Atalanta oo ay 3-1 kaga guuleysteen.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*