RASMI: Thierry Henry Oo Sabab La Yaab Leh U Kansalaya Dhamaan Akoonadiisii Baraha Bulshada

Thierry Henry ayaa sheegay inuu kansalayo dhamaan akoonadiisa baraha bulshada ilaa iyo inta sharci looga keenayo xad-gudubka iyo cunsuriyada loo adeegsado barashada bulshada isagoo ugu baaqay shirkadaha Facebook & Twitter inay u la dagaalamaan cunsuriyada sida ay u la dagalamaan ku xadgudub sharciga lahaanshaha.

Advertisements

Henry oo dhawaan ka tagay shaqadiisii tababarenimo ee kooxda Montreal Impact ayaa ka dalbaday shirkadaha baraha bulshada inay talaabo degdeg ah qaadaan isagoo sheegay inuu gabi ahaanba tirtiri doono akoonadiisa baraha bulshada ilaa iyo inta aysan sahlaneyn in cinwaan la iska sameysto oo dadka lagu dhibaateeyo iyadoo la isqarinayo.

Xiddigii hore ee Arsenal iyo Barcelona ayaa soo qoray: “Laga bilaabo berri subax (Sabti) waxaan masixi doonaa dhamaan akoonadeyda baraha bulshada ilaa iyo dadka maamula baraha bulshada ay ka awoodi doonaan inay sharciyo adag soo rogaan oo la mid ah sida ay u la dagaalamaan ku xadgudubka sharciga xuquuqda lahaanshaha.

“Xadiga cunsuriyada, handadaada iyo sunta ay leedahay in dadka maskax ahaan la jir dilo waa wax aan la iska indhotiri karin. Waa inay jirtaa isla xisaabtan. Aad ayay u sahlan tahay in akoon la sameysto oo lagu handado dadka iyadoo aan waxba laga baqeynin islamarkaana qofka uu noqonayo mid aan la garaneynin.

Advertisements

“Ilaa inta taasi la bedelayo, waxaan kansali doonaa akoonadeyda baraha bulshada oo dhan. Waxaan rajeynayaa inay tani dhawaan dhacdo.”

Bogga rasmiga ah ee Henry ku leeyahay Facebook waxaa ku taxan 10 milyan taageerayaal ah, wuxuu sidoo kale 2.7 milyan taageerayaal ah ku leeyahay Instagram iyo 2.3 milyan taageerayaal ah uu ku leeyahay Twitter.

Advertisements

1 Fekrad

  1. Ha organon sabab La yaab leh ee hadalka Iska hagaaji SxP OO ku bedel kalmad kale OO cunsiriyada ku saabsan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*