RASMI: Tababare Zinadine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka Sevilla – Miyay Ramos, Marcelo & Modric Soo Laabteen?

Advertisements

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb qaadanaya kulanka ay caawa booqanayso kooxda qaabka wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan ee Sevilla.

Zidane iyo xiddigihiisa ayaa kulankan guusha baahi gaar ah u qaba iyaga oo doonaya inay kaga soo kabtaan ceebtii tartanka IEFA Champions League kaga soo gaadhay kooxda Paris Saint-Germain oo 3-0 kusoo dardartay.

Liiskan uu Zizou u xushay kulankan Sevilla ayaa ah mid ay war wanaagsan ka dhex helayaan jamaahiirta Real Madrid maadaama oo uu kasoo muuqday kabtan Sergio Ramos oo ganax ku seegay kulankii PSG.

Advertisements

Dhinaca kale waxa wali kasii maqnaanaya Los Blancos Marcelo Vieira iyo waliba khadka dhexe ee ree Croatia ee Luka Modric oo labaduba dhibaatooyin dhaawac qaba.

Halkan Hoose Kaga Boggo Liiska Oo Dhammaystiran

Image