RASMI: Tababare La Ceyriyay Ka Hor Inta Aysan Kooxdiisa Ka Horimaanin Barcelona Iyo Chelsea Isbuuca Soo Socda

Advertisements

Marcelino ayaa laga ceyriyay shaqada tababare ee kooxda Valencia ka dib markii shalay ay kulan ku yeesheen dalka Singapore milkiilaha kooxda Peter Lim iyo madaxweynaha kooxda Anil Murthy.

Murthy ayaa ka soo degay Valencia saacado ka hor waxaana uu durbadiiba ku wargeliyay go’aanka tababare Marcelino, kooxda ayaana soo saartay warbixin ay ku xaqiijineyso in la ceyriyay tababaraha.

Macelino ayaa ahaa tababarihii ugu guulaha badnaa Valencia 11kii sannadood ee ugu danbeeyay isagoo Los Che u soo saaray labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay Champions League waxa uu sidoo kale ku hogaamiyay koobka Copa del Rey oo ay ka qaadeen Barcelona.

Laakiin waxaa shaqada loo ceyriyay inay iska dhaceen milkiilaha kooxda Peter Lim.

Marcelino ayaa shaqada Valencia ka tagaya seddex maalmood ka hor inta aysan wajihin Barcelona horyaalka La Liga iyo isbuuc ka hor inta aysan Champions League isku arkin kooxda Ingariiska ee Chelsea, laakiin farqigii u dhaxeeyay milkiilaha kooxda iyo tababaraha ayaa noqday mid aan laga soo laaban akrin.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Liverpool Oo Fal TUUGONIMO Hal Milyan Ku Siisay Man City Lix Sano Kahor & Sheekadan Xasaasiga Ah Oo Haatan Soo If-Baxday.

Marcelino iyo agaasimaha kooxda Mateu Alemany oo dhinac ah ayaa waxa ay isku dhaceen milkiilaha iyo madaxweynaha kooxda, waxaana isku dhacooda sabab u ahaa suuqii kala iibsiga ee xagaaga.

Lama oga mustaqbalka agaasime Mateu Alemany oo isna la sheegayo in laga ceyrin doono shaqadiisa.

Advertisements

Waxaa durbaba lagu dhawaaqay bedelka Marcelino waxaana loo magacaabay tababare aan khibrad u laheyn horyaalka La Liga oo lagu magacaabo Albert Celades.

Khibrada kaliya uu leeyahay ayaa ah inuu caawiye u ahaa Julen Lopetegui markii uu joogay Real Madrid. Hore waxa uu tababare uga soo ahaa xulka Spain ee da’dooda ka yar tahay 21 sanno.

Comments are closed.