RASMI: Tababare Bishii Labaad Oo Isku Xigta Ku Guuleystay Abaalmarinta Tababarihii Ugu Fiicnaa Premier League & Sida Loogu Kala Guuleystay Abaalmarinta Xilli Ciyaareedkan

Pep Guardiola ayaa bishii labaad oo isku xigta ku guuleystay Abaalmarinta Tababarihii Ugu Fiicnaa bishii Febraayo.

Advertisements

Tababaraha Manchester City ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay lix guul oo isku xigta bisha gudaheeda, waxana taasi ka dhigeysaa in Man City ay isku qaadatay bishii labaad oo isku xigta tababaraha iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa iyadoo Ilkay Gundogan uu isna noqday xiddiga bisha bilihii Janaayo iyo Febraayo.

City ayaa guulaheeda isku xigxigay ee bishii Febraayo ku bilaabatay 2-0 oo ay kaga badiyeen Burnley ka hor inta aysan garaacin kooxda heysata horyaalka ee Liverpool halka ay sidoo kale ka badiyeen Tottenham, Everton, Arsenal iyo West Ham.

Waa markii 9aad oo Guardiola uu ku guuleysanayo abaalmarinta bisha ee Premier League. Kaliya waxaa ka sareeya Sir Alex Ferguson (27), Arsene Wenger (15) iyo David Moyes (10).

Wuxuu abaalmarinta ka qaaday bishaan tababarayaasha kooxaha Wolves Nuno Espirito Santo, kooxda Fulham Scott Parker iyo kooxda Chelsea Thomas Tuchel.

Sida loogu kala guuleystay abaalmarinta bisha ee Premier League xilli ciyaareedkan:

September: Carlo Ancelotti (EVE)
October: Nuno Espirito Santo (WOL)
November: Jose Mourinho (TOT)
December: Dean Smith (AVL)
January: Pep Guardiola (MCI)
February: Pep Guardiola (MCI)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*