RASMI: Tababarahii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Bisha September Oo Lagu Dhawaaqay.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa loo doortay inuu yahay macalinkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii laga soo gudbay ee September, waxeyna u aheyd markii labaad oo xiriir ah uu abaalmarintaan gacanta ku dhigo.

Jurgen wuxuu banaanka soo dhigaya awoodiisa, kooxdiisana si fiican ayey ku bilaabatay maadaama aysan ilaa iyo hadda lumin wax dhibic ah.

Macalinkaan Jarmalka ah guul ayuu wada gaaray saddexdii ciyaarood oo ay kooxdiisa ciyaartay bishii lasoo dhaafay ee September, waxeyna guulo ka heleen Chelsea, Newcastle United & Sheffield United, bishaas waxey soo xireen 16-kulan oo xiriir ah iney guulo gaareen.

Blues waxey sii wadatay guulaheeda horyaalka waxeyna bishaan gudaheeda guuleysteen markii 17-aad oo xiriir ah iyagoo raba iney isbuuca ugu soo horreeya kulamada horyaalka jabiyaan rikoorka 18-ka kulan ee xiriirka ah oo ay gaartay Manchester City marka ay Old Trafford ku booqdaan Man United.

Advertisements

52-jirkaan markii 5-aad ayuu abaalmarintaan hantay tan iyo markii uu yimid horyaalka Premier League.

Afar tababare ayaa kula tartamayay abaalmarintaan waxeyna kala ahaayeen: Frank Lampard (Chelsea), Eddie Howe (Bournemouth) iyo Branden Rodgers (Leicester City).

One response to “RASMI: Tababarahii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Bisha September Oo Lagu Dhawaaqay.”

  1. Blues waxay sii wadatay guulaheeda aa iyaa Blues guul la jeclaa uurka waxuu rabyo afka xadxado ee dhibba ha idinku ahaate halka Blues ah Lfc ka dhigaa