RASMI: Tababaraha Xulka Jarmalka Joachim Low Oo War Lama Filaan Ah Ku Dhawaaqay

Germany ayaa xaqiijisay in tababare Joachim Low inuu isaga tagi doono shaqada tababare ee xulka ka dib marka uu soo dhamaado ciyaaraha Qaramada Yurub ee xagaagan.

Advertisements

Low ayaa tababare ka ahaa xulka Jarmalka tan iyo markii uu bedelay Jurgen Klinsmann sannadkii 2006.

Wuxuu ku hogaamiyaya Germany finalkii Euro 2009 iyo Koobkii Adduunka ee ay ku guuleysteen sannadkii 2014.

Qandaraaska Low ayaa dhacaya sannadka 2022, laakiin wuxuu weydiistay xiriirka kubada cagta Jarmalka in laga fasaxo qandaraaskiisa marka uu soo dhamaado ciyaaraha Qaramada Yurub xagaagan.

Advertisements

“Waxaan talaabadaan u qaadayaa si taxadar leh, anigoo si buuxda u faani kara islamarkaana mahadnaqaya laakiin isla waqtigaas waxaan ahay mid dhiirogashan marka ay timaado Koobka Qaramada Yurub ee soo socda” ayuu yiri Low.

“Sharaf ayay ii tyahay sababtoo ah waa wax uu wadankeyga ka qeyb qaadanayo.

“Waxaa taas ii sii dheer inaan awood u yeeshay inaan la shaqeeyo qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican wadanka ku dhawaad muddo 17 sannadood ah oo aan ka caawiyo horumarkooda.

“Guulo waa weyn ayaan la soo gaaray iyaga iyo guuldarooyin xanuun badan laakiin waxaan intaas dheer waqtiyo xusuus leh, kaliya ma ahan ku guuleysiga Koobkii Adduunka ee Brazil.

“Mahadcelin balaaran ayaan u hayaan xiriirka kubada cagta Jarmalka DFB kuwaasoo mar walba ii fududeynayay howsheyda kooxda.

Low oo 61 sanno jir ah ayaa mar wlaba qeyb libaax leh ka ahaa istiraatiijiyada DFP isagoo qaranka ku biiray sannadkii 2004 markaasoo uu caawiye u ahaa Klinsmann.

Waxaa durbaba la iskla dhexmarayaa cida shaqada tabaabre ee xulka Jarmalka ka bedeli doonta Low iyadoo Jurgen Klopp loo arko inuu yahay ninka ay doonayaan xiriirka kubada cagta Jarmalka.

Si kastaba, qandaraaska Klopp ee Liverpool ayaa dhacaya sannadka 2024, inkastoo uu xiiseynayo inuu xulkiisa tababare u noqdo hadana ma uusan muujinin tilmaam ah inuu doonayo inuu xilli hore ka tago Anfield.

Tababaraha Bayern Munich Hansi Flick oo hore caawiye ugu soo ahaa Low ayaa isna ah mushahar kale laakiin si la mid ah Klopp miyii ka tagi karaa Allianz Arena?

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*