Xilli ciyaareedka soo socda ee horyaalka Premier League ee 2021/22 ayaa bilaaban doona 14ka bisha Agoosto iyagoo la soo gabagabeyn doono 22ka bisha May 2022, sida ay ku dhawaaqeen maamulka horyaalka.
Ka dib Isbedelkii ku dhacay horyaalka xilli ciyaareedkan 2020-21 sababo la xiriira Korona Fayras maamulka horyaalka ayaa sheegay in dib loogu laaban doono waqtigii hore ee uu bilaaban jiray xilli ciyaareedka oo ah isbuuca labaad ee bisha Agoosto.
Xilli ciyaareedka waxaa la soo gabagabeyn doonaa 22ka bisha May 2022 iyadoo 10 kulan hal mar la wada ciyaarayo.
Xilli ciyaareedkan 2020-21 waxaa horyaalka Premier League la bilaabay 12kii bishii September madaama uu dib u dhac sababay faafida cudurka Korona Fayras, waxaana horyaalka la soo gabagabeyn doonaa 23ka bisha May ee sannadkan.
Waxaa laga wada hadlay in isbuuc la soo hormariyo waqtiga uu horyaalka bilaabanayo xilli ciyaareedka danbe oo laga dhigo 7da bisha Agoosto laakiin kooxaha ayaa ka soo horjeestay fekerkaas.
Kooxaha ayaa ku dooday in ciyaartoydooda ay u baahan yihiin nasasho ku filan madaama ay badankood ka qeyb galayaan Koobka Qaramada Yurub oo la soo gabagabeynayo 11ka bisha July.
Horyaalka Premier League ayaa hal isbuuc ka danbeyn doona bilaabashada horyaalada kale ee Ingariiska ee ka hooseeya.
Horaantii bishaan, maamulka EFL ayaa shaaciyay in xilli ciyaareedka 2021-22 inuu bilaaban doono 7da bisha Agoosto.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora