Zinedine Zidane ayaa shaaciyey liiska xiddigaha Real Madrid ee Arbacada la ciyaaraya Atalanta, kuwaas oo xalay ka degay waddanka Talyaaniga.
Los Blancos ayaa wareegga 16ka tartanka Champions League waxay isku beegmeen Atalanta oo lagu tilmaamo kooxaha ugu weerarka wanaagsan, isla markaana dhoola-tuskeeda kusoo samaysay Liverpool oo ay isku group kasoo baxeen.
Zinedine Zidane ayaa ciyaartan ay safkiisa ka maqan yihiin sagaal ciyaartoy oo dhaawac ah oo dhamaantood kooxda koowaad ah, waxaanay taasi keentay in liiska kooxdiisa uu kasoo buuxiyo ciyaartoyda kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla oo uu kasoo dalalcsiiyey lix ciyaartoy oo qayb ka noqday safarka Talyaaniga.
Karim Benzema ayaa noqday madax-xanuunka ugu dambeeyay ee Zinedine Zidane uu la kulmay waxaana weeraryahanka reer France uu ka maqnaanayaa ciyaartii labaad oo xidhiidh ah kaddib dhaawacii kasoo gaadhay Valencia.
Kabtan Sergio Ramos, Eder Militao, Dani Carvajal, Marcelo, Eden Hazard, Fede Valverde, Alvaro Odriozola iyo Karim Benzema ayaa dhamaantood ka maqan liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Atalanta, waxaanay ciyaartoydani hore u ahaayeen kuwo maqaneyaal ah.
Xiddigaha lixda ah ee da’da yar ee uu Zidana kusoo daray liiskiisa kulankan ayaa kala ah: Victor Chust, Muguel Gutierrez, Sergio Arribas, Antonio Blanco, Hugo Duro iyo Diego Altube.
Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee u safray Talyaaniga
Goolhayeyaal: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.
Difaacyahanno: Raphael Varane, Nacho Fernandez, Ferland Mendy, Victor Chust, Miguel Gutierrez.
Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Isco, Sergio Arribas, Antonio Blanco.
Weerarka: Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Hugo Duro.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora