RASMI: Ronald Koeman Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Atletico Madrid Ee Sabtida – Xiddigaha Jooga Iyo Kuwa Laga Yimid

Advertisements

Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu usoo xushay kulanka adag ee Sabtida ay foodda isku dari doonaan Atletico Madrid oo ay ugu tegayaan garoonka Wanda Metropolitano.

Barcelona ayuu usoo laabtay kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Philippe Coutinho oo dhawr toddobaad kaga maqnaa dhaawac  kasoo gaadhay kuruqa.

Xiddigan ayaa ku dhaawacmay ciyaartii El Clasico ee Real Madrid ay ku karbaashtay 3-1, waxaanu filayaa inuu mar kale dib ugu soo laaban doono shaxda hore ee tababare Ronald Koeman uu kusoo bilaabi doono ciyaarta Sabtida berri.

Advertisements

Goolhayaha reer Brazil ee Neto oo aan si buuxda taam ugu ahayn ciiyaartan, isla markaana tababarkii Jimcaha aan ciyaartoyda kooxdiisa la samaynin ayuu Koeman kusoo daray liiskiisa, waxaanu kaydka ugu jirayaa Marc Andre ter Stegen.

Samuel Umtiti oo muddo dheer dhaawac ku maqnaa ayaa tababarka la qaatay ciyaartoyda kooxda toddobaadkan, balse tababare Ronald Koeman ayaa door biday inaanu kusoo darin liiska kooxdiisa maadaama uu u baahan yahay waqtigi uu jidhkiisu si buuxda ugu soo kabto.

Laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets oo dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ayaa isaguna seegaya ciyaarta Atletico Madrid, halka Ansu Fati uu muddo afar bilood illaa shan bilood ah garoomada ka maga maqnaanayo dhaawac jilibka ah oo sababay in qalliin lagu sameeyo.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Atletico Madrid ee Sabtida

Goolka: Marc Andre ter Stegen, Neto, Arnau Tenas

Difaaca: Sergino Dest, Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Mingueza, Jordi Alba, Junior Firpo

Dhexda: Frenkie de Jong, Miralem Pjanic, Philippe Coutinho, Carles Alena, Riqui Puig

Weerarka: Leo Messi, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele, Pedri, Francisco Trincao, Martin Braithwaite.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*