RASMI: Robert Lewandowski Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee Bundesliga & Ballon d’Or Oo Uu Kaga Horreeyo Messi Iyo Ronaldo

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga xili-ciyaareedkan.

Lewandowski oo kooxdiisa ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalkii siddeedaad oo xidhiidh ah, waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda weerarka ah ee loogu cabsida badan yahay adduunka, isaga  oo 11 ciyaarood goolal kasoo dhaliyey horyaalka.

Koox kasta oo uu ka hor tegay naadiyada heerka koowaad, mid walba waxa uu kasoo dhaliyey goolal 29kii ciyaarood ee ugu horreeyey fasal ciyaareedkan dhamaadka ah, halka aanu kaliya goolal dhalin afar ciyaarood.

Shantii xili ciyaareed ee ugu dambeeyey ee horyaalka Bundesliga uu ka ciyaarayay, waxa uu afar ka mid ah ku guuleystay kabta dahabka ah oo sannadkan ugu dambeeyey, waxaana loo doortay laacibka ugu wanaagsan fasal ciyaareedkan guud ahaan horyaalka Bundesliga.

Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsan ayaa kaalinta labaad soo galay,  halka uu Kai Havertz saddexaad ka galay codbixinta.

Timo Werner, Amine Harit, Erling Haaland iyo Serge Gnabry ayaa sidoo kale u tartamayay abaal-marinta xiddiga Bundesliga, waxaase 50 boqolkiiba codadka helay Lewandowski.

Kaddib hanashada Bundesliga, waxay Bayern Munich bisha dambe ku guuleysan kartaa DFB-Pokal Cup halka ay Champions League taagan tahay wareeggiisa 16ka oo lugtii hore ay ku garaacday Chelsea.

Dhinaca kale, Lewandowski ayaa hoggaaminaya xiddigaha u sharraxan abaal-marinta Ballon d’Or, isaga oo ka horreeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Bollon Do’rka waxa lagu bixinayaa champion hadii horyaal iyo gool dhalin lagu bixinayo Horyaalka Spain Messi ayaa daldalanayey muxuu u daldaöan waayey

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*