RASMI: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Liiska Ciyaartoyda Ay Kula Ciyaareyso Eibar – Yaa Laga Reebay?

Advertisements

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday 19-ka xiddig ee kaga qeybgalaya kulanka Eibar, waxeyna booqan doonaan garoonka Ipurua iyadoo safka laga saaray ciyaartoyda James Rodriguez, Gareth Bale iyo sidoo kale Luka Jovic.

Vinicius Junior ayaa dib ugu soo laabtay liiska ciyaartoyda Los Blancos maadaama uu seegay laba ka mid ah saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay, intaas waxaa sii dheer in guryahooda looga soo tagay Odriozola iyo Mariano Diaz.

Muddo bil uu kooxda ka maqnaa kadib Brahim Diaz ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxda boqortoyada, halka Marcelo dhaawac uu kaga maqan yahay.

Kaliya laba difaac oo garbaha ka ciyaari kara ayuu Zidane heystaa waana Mendy iyo Carvajal.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhayeyaasha: Courtois, Areola, Altube.

Daafacyada: Carvajal, Militao, Ramos, Varane, Mendy.

Advertisements

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Isco.

Weerarka: Hazard, Benzema, Lucas Vázquez, Brahim, Vinicius, Rodrygo.

Comments are closed.