RASMI: Premier League Oo Shaaciyey Tirada Kiiska Korona Fayras Ee Usbuucan Laga Helay Ciyaartoyda & Tababareyaasha Iyo Shaqaalaha

Maamulka Premier League ayaa shaaciyey xogtii u dambaysay ee xanuunka Korona Fayras ee sida toddobaadlaha ay usoo gudbiyaan, taas oo aad uga beddelan middii usbuuciyadii hore.

Advertisements

Baadhitaan lagu sameeyey 3,115 qof oo laba wareeg ah oo isugu jiray ciyaartooyo shaqaale iyo tababareyaasha kooxaha ayaa waxay muujisay in natiijo ka wanaagsan middii ka horreysay.

Marka la isku geeyo tirada ciyaartoyda, tababareyaasha iyo shaqaalaha Premier League ee usbuucan ayaa waxay noqotay 16 qof, waxaanay natiijadani ka hoosaysaa middii toddobaadkii hore oo ahayd 36 qof.

Premier League ma bixin faahfaahinta kooxaha ay ka tirsan yihiin ciyaartoydan, shaqaalaha iyo tababareyaasha. Sidoo kalena, waxa lama xusin hal magac oo dadkaas ah. Laakiin natiijadan ayaa farxad u ah kooxaha aadka uga baqayay xanuunkan oo uu qaarkood ku keenay in laba ciyaarood loo baajiyo, sida Aston Villa oo 14 ciyaartoy iyo tababarahoodii ba uu kaga dhacay.

Advertisements

Xanuunka Korona Fayras oo aad ugu faafaya waddanka UK, dhimashadiisuna aad sare ugu sii kacayso ayaa waxa Premier League uu qaaday tallaabooyin uu ku xakamaynayo isdhex-galka ciyaartoyda kooxaha, shaqaalaha iyo xataa tababareyaasha.

Tallaabooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxay ahaayeen in ciyaartoyda loo diiday inay isku-dhegaan marka ay samaynayaan dabbaal-degga goolashooda, halka garsooreyaashuna codsadeen in ciyaaryahannadu u jirsadaan masaafo laba mitir ah marka ay la hadlayaan.

Advertisements
Halkan kaga bogo natiijada baadhitaannadii ugu dambeeyey ee Korona Fayraska ee Premier League
ToddobaadkaTirada baadhitaankaTirada kiisaska
1 (31 Aug-6 Sep)1,6053
2 (7-13 Sep)2,1314
3 (14-20 Sep)1,5743
4 (21-27 Sep)1,59510
5 (28 Sep-4 Oct)1,5879
6 (5-11 Oct)1,1285
7 (12-18 Oct)1,5758
8 (19-25 Oct)1,6092
9 (26 Oct-1 Nov)1,4464
10 (2-8 Nov)1,6464
11 (9-15 Nov)1,20716
12 (16-22 Nov)1,5308
13 (23-29 Nov)1,38110
14 (30 Nov-6 Dec)1,48314
15 (7-13 Dec)1,5496
16 (14-20 Dec)1,5697
17 (21-27 Dec)1,47918
18 (28 Dec-3 Jan)2,29540
19 (4 Jan-10 Jan)2,59336
20 (11 Jan-17 Jan)3,11516

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*