RASMI: Natiijada Baadhitaanka Korona Fayras Ee Eden Hazard Iyo Eder Militao Oo Lagu Dhawaaqay & Jamaahiirta Oo Xog Muhiim Ah Helay

Advertisements

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa war wanaagsan ka helay kooxda caafimaadka ee kooxdiisa kaddib markii xiddigaha xanuunka Korona Fayras ka qabay ee Eden Hazard iyo Eder Militao labadaba laga waayay xanuunka.

Taas ayaa ka dhigan in labada ciyaaryahanba ay awoodeen inay ka qayb qaataan tababarkii kooxda ee shalay galabtii isla markaana ay diyaar u yihiin oo loo xulan karo kulanka Villarreal.

Image

Warkan ayaa ah mid imanaya mudo kooban kaddib markii sidoo kale xanuunka laga waayay bur-buriyaha Real Madrid ee Casemiro oo isaguna hore u qabay xanuunka.

Advertisements

Arrinta sida gaarka ah muhiimada u leh ayaa ah soo laabashada Eder Militao maadaama oo Sergio Ramos iyo Raphael Varane labadaba ay dhaawacyo kusoo gaadheen kulamadii caalamiga ahaa.

Militao ayaa xanuunka laga helay 2-dii bishan November halka Casemiro iyo Hazard-na ay noqdeen kuwo la dersay xanuunka lix maalmood kaddib balse haatan saddexdooduba waa kuwo diyaar u ah kulanka adag ee Estadio de la Ceramica.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*