RASMI: Marcus Rashford iyo Edinson Cavani Oo La Saaray Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee Kulanka AC Milan Ee Caawa

Marcus Rashford iyo Edinson Cavani ayaa laga saaray liiska Xiddigaha Manchester United ee kulanka Europa League ay fiidka hore ee caawa garoonka Old Trafford kusoo dhoweynayaan AC Milan.

Advertisements

United ayaa lugta hore ee wareegga 16ka Europa League waxay martigelinaysaa Milan, laakiin waxa ciyaartan ka maqan labada weeraryahan ee Marcus Rashford iyo Edinson Cavani oo dhaawac ah.

Weeraryahanka reer England ee Rashford ayaa kuraanta dhaawac kasoo gaadhay qaybta dambe ee kulankii Manchester City ee Axaddii, waxaana hore u xaqiijiyey maqnaanshihiisa tababare Ole Gunnar Solskjaer, hase yeeshee Edinson Cavani oo la filayay inuu soo laabto ayaan kasoo kabanin dhaawac.

Gool-dhaliyaha reer Uruguay ayaa ka maqnaa shan ka mid ah lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Manchester United ee dhamaan tartamada, waxaanay ciyaartani noqonaysaa middii lixaad ee toddoba ciyaarood gudahood uu ka maqan yahay.

Advertisements

Ciyaartoyda Manchester United ayaa gellinkii dambe ee maanta lagu xareeyey Hotelka bannaanka Old Trafford ku yaalla ee Lowry Hotel oo ay kooxdu iska leedahay, waxaana ciyaartoyda aan kasoo xaadirin ka mid ahaa Luke Shaw oo ahaa xiddigii kulankii Manchester Derby, laakiin illaa daqiiqadda ugu dambaysa ayaa la eegi doonaa ka hor inta aanu Ole Gunnar Solskjaer shaacinin shaxda uu garoonka kusoo gelayo.

Waxa kale oo United ka maqan Donny van de Beek, Paul Pogba iyo Juan Mata, halka Phil Jones uu muddo dheer maqnaa. Sidoo kale, David de Gea ayaa kaydka kusoo bilaaban doona caawa.

Xiddigaha da’da yar ee Amad Diallo iyo Shola Shoretire ayaa ku jira liiska.

Xiddigaha Manchester United ee kulanka AC Milan (ciyaartooyo ayaa kusoo biiri karaya)

Grant, Henderson; Bailly, Lindelof, Maguire, Telles, Tuanzebe, Wan-Bissaka, Williams; Fernandes, Fred, Matic, McTominay; Amad, Greenwood, James, Martial, Shoretire.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*