Anthony Elanga ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Manchester United ee u safray waddanka Spain oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League kula soo ciyaarayso Granada.
Da’yarkan ayaa markii ugu horreysay ka mid noqonaya ciyaartoyda kooxda koowaad oo horraantii toddobaadkan loogu yeedhay in uu la tababarto, iyadoo lagu qoray liiska B.
Elanga oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa dhowaan heshiis waqti dheer ah qalinka ku duugay, kaddib markii uu kasoo doogay dhaawacyo kusoo noqnoqday.
Weeraryahankan reer Sweden oo hore ugu guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Jimmy Murphy Young Player ee Manchester United oo xilli ciyaareedkii hore la siiyey ayaa ka mid ah xiddigaha ay da’doodu ka hoosayso 23 jirrada ee Manchester United oo 12 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey lix gool, kuwaas oo laba ka mid ah ay horyaalka Premier League ee da’yarta ahaayeen, afarta kalena tartanka EFL Trophy.
Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu gellinkii dambe ee Arbacadii maanta u safartay waddanka Spain ayaa habeen dambe kula ciyaari doonta Granada, waxaana macallinka ka farxiyey Marcus Rashford oo kasoo kabtay jugo kasoo gaadhay kulankii Brighton oo laga saaray xilli ay kooxdiisu goolka guusha raadinaysay.
Rashford ayaan tababarka kooxdiisa joogin Salaasadii, wuxuuse kasoo xaadiray tababarkii saaka, ka hor intii aanu Ole go’aanka kama dambaysta ah gaadhin.
Juan Mata iyo Alex Telles ayaa kasoo kabtay dhaawacyo ay qabeen, kana mid noqday xiddigaha United, halka Phil Jones uu wali dhaawac ku maqan yahay.
Xiddigaha Manchester United ee kulanka Granada:
Goolka : David de Gea, Dean Henderson, Lee Grant, Nathan Bishop.
Difaaca : Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw, Alex Telles, Axel Tuanzebe, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams.
Dhexda : Amad, Bruno Fernandes, Fred, Daniel James, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay, Paul Pogba, Donny van de Beek.
Weerarka: Edinson Cavani, Anthony Elanga, Mason Greenwood, Marcus Rashford.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora