RASMi: Liiska 23 Ka Mid Ah 24ka Xul Ee Ka Qeyb Galaya Koobka Qaramada Afrika – Ethiopia & Sudan Oo Ka Mid Noqday

23 ka mid ah 24ka kooxood ee ka qeyb galaya Koobka Qaramada Afrika ayaa durbaba soo baxay iyadoo xulal badan oo xiiso lah ay iska soo xaadiriyeen koobka bisha Janaayo ay martigelin doonto dalka Cameroon.

Advertisements

Xalay waxaa u danbeysay oo soo baxay Ethiopia, Mauritania, Guinea Bissau iyo Cape Verde.

Ethiopia ayaa markii ugu horeysay tan iyo 2013 waxay u soo gudubtay kama danbeysta Koobka Qaramada Afrika oo ay ku guuleysatay sannadkii 1962kii, marka la soo tago murqo weynta Afrika oo soo baxay waxaa sidoo kale iyagana soo gudbay xulka Sudan oo ay ugu danbeysay inay soo baxaan sannadkii 2012 iyagoo koobkaan ku guuleystay sannadkii 1970.

Labo xul ayaa markii horeysay u soo baxay Koobka Qaramada Afrika kuwaasoo kala ah Jasiirada yar ee Comoros iyo wadanka The Gambia.

Isku aadka waxaa la qaban doonaa xilli danbe sannadkan marka ay 24ka xul uu soo dhameystirmo iyadoo la sameyn doono lix group oo min afar kooxood ah.

Xulalka U Soo Baxay Koobka Qaramada Afrika:

Cameroon
Senegal
Algeria
Mali
Tunisia
Burkina Faso
Guinea
Comoros
Gabon
Gambia
Egypt
Ghana
Equatorial Guinea
Zimbabwe
Ivory Coast
Morocco
Nigeria
Sudan
Malawi
Ethiopia
Mauritania
Guinea-Bissau
Cape Verde

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*